Bilawga Dufcadii Afraad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran Oo Laga Daah-furay Boorama

0
436

Boorama (HP): Waxaa maanta magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal laga daah-furay dufcadii afraad ee dhalinyaradda loo qaadanayo barnaamijka shaqo.


Daah-furka barnaamijkaasi waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, agaasimaha Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, oo ay wehelinayeen.
Badhasaabka gobolka Awdal, maamulka degmadda Boorama, qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda, guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, iyo masuuliyiin kale.
Iyadoo daah-furka barnaamijkaasi uu ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka ee magaaladda Boorama.


Waxaana goobtaasi lagaga dhawaaqay muddada ay soconayso is-diiwaan gelinta barnaamijku oo ka bilaabanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 7da February, isla markaana soconaysa ilaa 20-ka bishan February.
Sida uu shaaciyay agaasimaha Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), oo ka warbixiyay bilawga diiwaan gelinta dufcadda afraad.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here