BERBERA & KUXIGEENADA MAXAA ISDABA DHIGAY !!!!!!!!!!! Qalinkii A A Mohamed

0
1037

WXAAAN SI KOOBAN HALKAN QORAAL GAABAN UGU MUUJINAYAA 7-KUXIGEEN OO BERBERA KASOO JEEDA OO QAARNA HADA KAHAYAAN XILAL QAARNA AY SOO MAREEN WAANA SHEEKO XIISAHEEDA LEH BERBERA & KUXIGEENADA WAXA ISKU SALIDAY SI DEGAN U AKHRI ADOO KA EEGAYA DHANKA SAXDA AH ISLA MARKAANA HADII AY JIRAAN KHALADAAD AAN KUDARAY QORAALKAN KOOBAN WAXAAN CODSANAYAA IN LAY SAXO BALSE YAAN LOO ARKIN SI KALE DHANKA CAADIFADANA YAAN LAGA EEGIN BULSHOW AMA INTIINA AKHRIDAY WAANAD MAHADSANTIHIIN DHAMAANTIIN

1. AXMED YUUSUF YAASIIN Madaxwayne-Kuxigeenkii Daahir Rayaale oo mudo dheer Berbera loo daba fadhiyay, isagoo odhan jiray aniga wax halayga waydiiyo Berbera, iyadoo nasiib daro inta ugu mihiimsan aanu shaqo ku lahayn sida Haamaha, Dekeda, Bank-ka Kastamka, Maxjarada & Haayadaha Mihiimka ah balse uu ku ekee D/hoose, Wakaalada Biyaha, Laydhka, & haayadaha yaryar ee diciifka ah sida NOG,s & Etc
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
2. CABDILAAHI ABOKOR CISMAAN Kuxigeenkii Hore Ee Dhanka Amniga Ee wasaarada Arrimaha Gudaha oo qudhiisu mudadii uu hayay xilkaas hayay gaystay ama sameeyay gaar ahaan deegaanka saaxil Facaail fool-xun oo diiwaanka ugalay kuwaasoo ay ka mid ahayd Dooarshadii Mayor ka hada haya talada oo wakhtii la dooranaayay uu ka howl-galay sidii aan loo dooran lahayn C/shakuur isagoo Badhasaabkii markaa joogay kala wareegay (RAMAAX) awoodii gobolka isla markaana Ciidamada ku amray inay isaga ka amar qaataan, isla markaana xaaladu gaadhay wakhtigaa in gacanta laysu qaado, waxaa kaloo iyana xusid mudan Falkii lagula kacay Xildhibaan Mohamed farah Qabile oo uu ku lug lahaa isla markaana gaadhi uu isagu leeyahay lagu weeraray dhowr jeer markii dambena lagu galay falkii berbera iyadoo weli gaadhigaasi uu yaalo saldhiga dhexe eee berbera waxaan iyana la ilaawi karin arintii deegaanka ABDAAL ee beertii uu iibsaday Ina Geele-Arab oo isna uu ka sameeyay fal xun oo isna diiwaanka ugalay
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
3. XAAMUD XUSEEN CABDILAAHI Kuxigeenka Badhasaabka Gobolka Saaxil oo intii lasoo magacaabay sheegta awood & miisaan aanu lahayn isla markaana ku tiraaba inuu Berbera/Saaxil isagu masuul kayahay oo uu ka shaqaynayo danaheeda, iyadoo kelmadahan uu ka yidhaahdo meelaha bulshadu ku kulanto & fagaarayaasha laysugu yimaado qaar iyadoo aad arkayso in hadaladaasi yihiin wax aan waxba kajirin waayo waxaa jooga Badhasaabkii ka sareeyay waxaana kuu muuqanaysa ama dadku arkayaan inuu maroorsanayo Microphone ka si aqoon la,aani ka muuqato balse hadaladaas ayaa ah qaar aan dhaafsiisnayn halkaas uu ka yidhi, iyadoo hada bulshada reer berbera ay fahmeen isla markaana aanay qiimo uyeelin hadaladaas
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
4. CALI MAXAMED CILI (ALI-GADHEER) Wasiir-kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay isna Berbera & qarankaba intii ay jirtay xukuumadan Axmed Siilaanyo balse run ahaantii ah nin aan lahayn shido ama dhibaato badan ahna nin qunyar socod ah, marka la eego hab-dhaqankiisii soo jireen ee uu bulshada kula dhaqmi jiray, balse hada usoo tafa-xaytay siyaasad ka duwan tii hore isagoo dhawaan berbera uyimi howlo siyaasadeed isla markaana SALAADII Ciidal Adxa latukaday dadka reer berbera isagoo hanjbaad hadalo u badan kaga hadlay fagaarihii salaada isla markaana sheegay in HAAMAHA & meeshii kale ee dan qaranku u arkaba la wareejinaayo cidii ka hor timaadana la xidhaayo, sidoo kale isagoo Kuxigeen Cali-Gadheer hadalkaas kaga dhabeeyay durba oo xidh-xidhay dad kamida bulshada berbera oo ay ka mid yihiin Weriye & aqoonyahano & dhalinyaro laguna eedeeyay buuqii & sawaxankii lagu qaabilay markii uu ka hadlaayay Fagaarihii lagu tukanaayay taasoo dadku ay ku dhawaaqeen SALAA, SALAA, ALAAHU AKBAR & waar na tujiya iyadoo qaarna hada lagu daba joogo oo layidhi soo xidh-xidha (Waali-kale)
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
5. CALI AXMED MAXAMED (CALI-DHEGOOLE) Kuxigeenka Wasaarada Warshadaha oo isna ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladan Siilaanyo & kuwii horeba hadaba Cali-dhegoole oo runtii karaamo & sharaf kulahaa deegaankiisa Saaxil/Berbera isla markaana lahaa SUMCAD ayaa hada intii uu qabtay xilkan (GAWAAN-FDHIGA AH) wuxuu bilaabay olole & dagaal uu (Malaa) taageero ugu raadinayo Dowladan taagta daran, waxaana wax lala yaabo ah markii ay 2-da Wasiir-kuxgeen ay wada qabteen shir Jaraa,id isagoo Gaar ahaa cali-dhegoole ku tiraabay hadalo aan dadkii dhegaysanay jeclaysan (waxaan ahay anigu dadka/Cida wax laga waydiinaayo Berbera waxaanan idiin sheegayaa waanu wareejinaynaa Haamaha & Meeshii kale ee danta qaranku kujirtaba) BAL HADA EEG hadalkaas iyadoo la ogyahay Kuxigeen awoodiisa & TOR-ka sharcigu siiyay hadana waxaa wax lala yaabo noqotay hadaladaas hubsiimo la,aanta ah ee kasoo yeedhay ninkaas (Cali-dhegoole) isagoo halkaas kumuu joogine usoo dhaadhacay berbera oo salaadii Ciida latukaday dadka reer Berbera isaga & saaxiibkiisa aan sare kusoo sheegnay (Cali-gadheer) isla markaana uu laqabay falalka kadhacay Berbera ee xadhiga dadka & dhibaatooyinka kale ee aan weli dhamaan
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
6. CUMAR ABOKOR JAAMAC Kuxgeenka Maareeyaha Dekeda Berbera oo isna ah awoodaha qarsoon ee hada kajira gobolka saaxil ninkaas oo ah Qunyar-socod khabiir ah isla markaana fulinaaya Siyaasad deegaamayn ah isagoo lagu xanto ama dadku ku sheegaan nin aan ka awood hoosayn maareeyaha isla markaana dhaqaalaha Dekeda ku fuliya howlo gaara & kuwa deegaano gaara iyadoo lawada ogyahay howlahaas uu fuliyo oo aanay qarsoonayn ayaa waxaa usii fududeeyay inuu si agaara uga faa,iidaysto dhaqaalaha Dekeda iyadoo inta badan Maareeyaha Dekedu u baxo howlo shaqo oo xaga debeda ah isla markaana uu meesha isagu kasii ahaado maareeye, iyadoo dadka qaar weliba kuwa udhuun daloola dhanka siyaasada Madaxtooyada & Dowladu ay sheegaan in Siminaarada & howlaha uu ubaxo Maareeyaha Dekedu (Cali-Xoor-xoor) ay yihiin qaar khidadaysan oo loogu talo galay in laga mashquuliyo howshan Deegaanka & dekada si mudadaas uu maqanyahay loo fushado howlo badan waana mid u muuqata xaqiiq dhab ah marka loo eego wakhtiyadii Dowladii horee ee Rayaale & Cigaal oo aanu Maareeyaha Deekeda ubixi jirin jirin howlo noocan oo kale ah balse hada lagu mashquuliyay howlo cid kale leedahay sida Wasiirka Arrimaha Debedea & maalgashiga Shisheeye & sidoo akle safiirada wadamada debedu waxaana badanaa layidhaahdaa wuxuu lasoo xaajoonayaa Shirkad Maalgelinaysa Dekeda & Wax lamid Cajiib
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
7. JAAMAC ISMAACIIL XUSEEN (Jaamac Jagaag) Kuxigeenka taliyaha qaybta police ka oo isna ku sifoobay Usha lala dhaco dhalinyarada reer saaxil/Berbera isagoo inta badan taliyaha qaybtu kaga GABADO howlaha shaqo isagoo ka fekeraya waa Taliayahe e inaanu siyar uqaadan godob hodhaw loo dabagalo isla markaana mar kasta oo lasoo xidhaayo cid ama kacdoon kajiro berbera noqdo Taliyaha qaybta (Pronoun) ahaana loo isticmaalo balse Jaamac Jagaag kama fekero taas uu ka fekerayo taliyaha qaybta, waxaanu si toosa ufuliyaa howlaha ka dhan ka ah bulshada saaxil waxaanu hada ku sifoobay USHA LALA DHACA dhalinyarada & cidii kastee kahadasha berbera ee damiir kujiro si loo cabudhiyo waxaana taas markhaati u ah waxaad arkaysaa ama aad maqlaysaa qof kasta oo laxidho oo loo xidho arrimo ka dhan ah dowlada waxaa la odhanayaa waxaa xidhay Jaamac Jagaag ee halagaha hadlo balse hadii aad tidhaahdo taliyihii qaybtu maanu joogin waxaa lagu odhanayaa isagaa bixiyay amarka qabashada xadhigaas waxaana ka mida kuwan hada xidhan oo isaga amarkiisa ku xidhan wiil dhalinyaro ah oo dhawaan laxidhay waa Cabdirisaaq Duulane oo kamid ahaa dad diidanaa oo ka hadlaayay Wareejinta Haamaha CAJIIB CAJIIB !!!!!!!!!!!!!!!1
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
HADABA BAL ILA EEGA BULSHOW
Marka hore berberi waa magaalo la quudhsaday oo ka duwan degmooyinka kale & gobolada kale waayo hadii loo hayo karaamo & ixtiraam Kuxigeen wax lagama waydiiyeen waxaana wax laga waydiin lahaa raga wasiirada ah & mayors ka & deegaanka lasoo doortay, waxaa kaloo muuqata inay tahay berberi meel Hostage ah Kuxigeenadan magac-uyaalka ahi aanay kulahayn miisaan dhab ah marka laga hadlaayo dhinacyada, Siyaasadeed & dhaqaale balse ay yihiin keliya MAQAAR lagu maalayo meesha sidoo kale waxa cad in berbera tahay meel la ogaaday in bulshada ku nooli aanay lahayn karti & kalsooni ay waxna ku diidi karaan waxna kuyeeli karaan sidoo kalena loo samaystay KARBAASH iyaga ugaara oo marka ay sidaas tahay Maxaa bulsho reer berbera ahaan uyaala oo dantooduna kujirtaa? Waa qodob mihiim ah oo uyaala bulsho-waynta reer Saaxil/Berbera (Marka aan leeyahay Reer berbera waa inta danaynaysa berbera ee u damqanaysa ee jecel horumarkeeda balse maaha kuwa Macaan-jecelta ah ee ama meelo durugsan kasoo duulay ama Weji-kuwmacaashka ah) waxaa laynooga fadhiyaa bulshaw 3-qodob oo mihiim ah
1.Berbera & kuxigeenkan loosoo Fuulayo waxa laga yeelayo ama sida looga gudbaayo
2.Sidee berbera loogala mid dhigi karaa deegaanada kale dhinacyada horumarineed & siyaasadeed
3.Hantidn berbera ee laboobayo sida laga yeelayo iyo waxa inooga yaal iyadoo aragti idaysan laga yeelanayo isku hadafna laga duulaayo

Qodobadani waxay khuseeyaan bulshada reer berbera inta ka fayow Qabiil, Qof-jeclaysi, Dan-gaara, ee damiirkoodu yahay SAAFIGA isla markaana ka fekeraaya danta guud & mustaqbalka sidii loo heli lahaa nolol sax ah & dad & Dowlad dhan uwada jeeda Guure Guure Ahmed Sa’ed Mohamed DrShakuur Mohamed Sacad Cali Kaahin PluckyAbdirahman Guled Xildhiban Mohamed Ali Xaji

 

 

Qalinkii
A A Mohamed
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here