Bangiga Amal Bank oo Ka Farxiyay Carruurta Agoomaha iyo Dan-yarta Hargeysa

0
829

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bangiga Amal Bank oo ka mid ah Bangiyadda ka jira Somaliland, ayaa deeq kala duwan gaadhsiiyay Carruurta Agoomaha iyo dadka danyarta ah ee magaalada Hargeysa.

Bangiga Amal Bank, ayaa waxaa uu deeqdan ku wareejiyay Guddiyada kala duwan ee xaafadaha magaalada Hargeysa.

Deeqdan, ayaa waxaa loogu talo galay inay ku Ciidaan Caruuraha isugu jira Agoomaha iyo dadka Danyarta ah, si ay farxada ciida ula qaybsadaan caruuraha kale.

Munaasibadii uu Bangiga Amal caawimadda ugu wareejinayay Carruurta Agoomaha iyo dadka Danyarta ah, ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen maamulka Bangiga Amal iyo Guddiyada xaafadaha magaalada Hargeysa.

Deeqdan oo isugu jirta Dharkii Ciidda, Kabbo iyo waxyaabaha ay carruurtu ku ciyaarto, ayuu Bangiga Amal ugu talo galay inay ku Ciidaan carruurta Agoonta ah ee magaaladda Hargeysa iyo weliba dadka Dadnyarta ah.

Ma aha markii ugu horraysay ee uu Bangiga Amal  Bank ciidsiiyo Caruurta agoomaha iyo Dadka Danyarta ah ee ku nool magaalada Hargeysa, hase yeeshee sannad kasta waxaa uu Bangigu kafaalo qaaddaa farxadda carruur badan oo isugu jira Agoomaha iyo Danyarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here