Bandhiggii Buugaagta Ee Laascaanood iyo Booqashadii Gobolka Sool Qormada 1aad

0
693

Tan iyo gu’gii 2008da oo Seeska Dhaqanka ee Baddacas (Redsea Cultural Foundation) ay Hargeysa ka bilaabeen bandhigga buugaagta caalamiga ah, waxa uu dedaalkaasi noqday ilays ku fiday geyiga Soomaalida. Magaalooyinka lagu qabtay waxa ka mid ah Muqdisho, Burco, Boorama ikk.

Gu’gan ayaa la naadiyay in magaalada Laascaanood lagu qabanayo bandhig buugaageed oo caalami ah. Waxa hawshan ii sheegay 4tii Nofember 2019ka Suxufi Faisal Ahmed Karshe oo ka mid ah bahda Wargeysyada Dawan.

Maalmaha uu furmayay ee 10-11 Disember 2019ka waxa igaga beegmay casharro aan arday u dhigo, haddana waxa aan goaansaday in aanay madashaasi i wada seegin. Kol aan ka qayb galo gunaanadkiisa, waxa jiray xiise iyo rabitaan nafta ku riixayay in aan goobjoog ka ahaado Bandhiggaas.

Dareenkaas awoodda badan waxa sabab u ahaa:

  1. In aan horraanba ka mid ahaa dadkii lala socodsiiyay qabanqaabada bandhigga.
  2. Waxa joogay saaxiibbo aan gaadhsiiyay warka bandhigga oo aan isku xidhka iyaga iyo bahda masuulka ahna door ka qaatay.
  3. Qof ahaan waxa aan ka mid ahaa dadka faafiyay ogeysiiska bandhigga, sidaas awgeed ayaa ay dad badani ugu qaateen in aan judhaba kobtaas u tegi doono.
  4. Waxa micne iyo nuxur gaar ah ii lahaa in aan arko gobolka garaaddada, gabayaaga, geesiyada, geela, gammaanka iyo gobannimada ee Sool.
  5. Waxa loo agaasimay hannaan heersare ah oo nafta ku riixay in aanan ka qadin quruxda iyo qiimaha lagu daahfuray Laascaanood.
  6. Bandhiggu waxa uu kulminayay qoraayo, gabayaa, dhallinyaro iyo bulsho mudan oo aan xidhiidhkooda, wax-ka-korodhsigooda iyo jaalnimadooda la dhacsanaa.

Maalinnimadii Arbacada, habeenkii ay Khamiistu soo gelaysay ee sooyaalkun ahaa 11kii Disember 219ka ayaa aan abbaaroo 19:30 cawaysnimo tegay xafiiska shirkadda Scodaalka Yaasmiin. Waxa ay dhaheen “Shirkadda Gaadiidka SAHAN ee noo dhaw ayaa tagta, ka wardoon”.

Maamulkii Shirkadda SAHAN waxa ay ii sheegeen in ay hayaan gaadhi markaas baxaya, habeennimadana guure-soconaya iyo mid hiirta waaberi kallahaya.

Waxa ay yidhaahdeen “Ma immaka ayaad baxaysaa mise subaxa?”

Waxa aan idhi “Imakaba diyaar baan ahay. Agab yar ayaan guriga ka sii qaadan”.

Waxa ay yidhaahdeen “tagsi ayaad raaci si aad u gaadho gaadhiga eegga dhaqaaqaya”

Lacagtii ayaan diray, tagsina waa la ii keenay. Gaadhigii rakaabka oo taagan Xarunta Dukaamaysiga Liibaan ee bariga Hargeysa ayaan kursiga darawalka ku xiga fuulay. Shandaddii waxa lagu cabbeeyay xagga dambe ee baabuurka.

Intii aanan bixin waxa aan wargeliyay jaallahay Axmed Rashiid Cabdillaahi (Akram Cabdala) oo ka mid ahaa dadka madasha lagu marti-qaaday. Markii imaatinkayga la ogaaday waxa ay madaxdii bandhiggu igu dareen mudaneyaal iyo marwooyin la dejiyay hudheel ka mid ah kuwa Laascaanood.

Bandhiggan waxa hormood ka ahaa Cabdikariin Siciid iyo ururka SVO oo aan halkan ka guddoonsiinayo billadda hawlkarnimada, hufnaanta iyo ragannimmada.

Waxyaabaha ku cusbaa jidka Hargeysa-Berbera waxa ka mid ahaa dhismaha waddada; tii hore waa la burburiyay, waxaana socda dib-u-dhis. Carratuul la dhigay ayaa ay gaadiidku maraan, taasina waxa ay gaabis gelisay xawaaraha socodka.

Xilli habeennimo ah ayaannu ka gudubnay gobollada Saaxil iyo Togdheer, waxaana xasuus iyo xasuus gaar ah igu lahaa aragtida iyo in aan indhaha saaro Saraar iyo Sool. Kollayba ma socod badni, war badanina iguma seeggana labadaas gobol.

Dhulku waxa uu ahaa cagaar dooggan. Hiirtii waaberi ayaanu Kiridh ka galnay gobolka Saraar, waxa aan ku doogsaday inaan dhaayaha saaro bardihii Wadaama-goo, ee badhtamaha laamida ku yaallay. Xilli cadceed-soo-bax ku dhaw ayaanu shaagga dhignay Ceelkii Caynabo.

Biyo ayaa ceegaagay hareeraheeda, waxaana ku gibil-xidhnaa ceeryaan. Intii aanu caasimad-goboleedka dhex maraynnay waxa curtay cirkii, waxaana nagu da’ay roob aanu ku qabawsannay.

Haddii aan si kooban u faalleeyo magaalada Caynabo oo beryahan u beretamaysa inay noqoto B ama A, waxa aan leeyahay waa mid u qalanta, sababahan dartood:

  1. Waa magaalo leh dhisme iyo dhul fidsan, waxa ay maamushaa deegaan ballaadhan oo dad iyo duunyaba leh
  2. Koronto afar iyo labaatan saacadood ah
  3. Hudheel weyn oo adeeggiisu 24ka saacadood ahaa.

Laakiin waxa gaabis ah Dawladda Hoose ee Caynabo waayo waddada inta ay masuulka ka tahay ayaa googgo’an. Jidka dhex mara Caynabo iyo nawaaxigeedu waxa uu ahaa inta ugu foosha xun ee laamida u dhexaysa Hargeysa iyo Laascaanood.

Waa bi’i waaya’e halkaas innaga giijiya.. Dhaliisha Dawladda Hoose ee Caynabo waxa aan sii farayaa Maxamed K Bigeeye Yuusuf Aadan Tarabi Mahamed Abdirahman Iidle Barni Saed Ali Raigal Mohamed Dirir.

La soco qaybta labaad…

LEAVE A REPLY