Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo la soo gabogabeeyay

0
2205

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo sannadkan galay kalkiisii 17aad, ayaa habeenimadii xalay lagu soo gabogabeeyey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu lixdii cisho ee ugu dambeeyay si xidhiidh ah uga socday Habeen iyo Maalinba.

Bandhigga 17aad oo Sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay “Is-ahaansho”, isla markaana si gaar ah uu Marti ugu ahaa Dalka Tunisia, ayaa lixda cisho ee uu socday lagu soo bandhigay Dood-cilmiyeedyo, kuwo dhaqan, Suugaan, Buugaag kala duwan iyo wax badan oo aqoonta iyo kobcinta garaadka la xidhiidha.Munaasibaddii xalay lagu gabogabeeyay Bandhigga oo ay ka soo qaybgaleen wufuud Ajaanjb ah oo ka kala yimi illaa 16 Waddan oo dunida ah, Qorayaal, Aqoonyahanno, Cilmi-baadhayaal, Abwaanno, Hal-abuurro iyo Sugaanyahanno kala duwan iyo kumannaan qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ka tirsan.

Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, Ciise Muuse Aadan, ayaa ka warramay waxyaabaha qabsoomay lixdii cisho ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanu yidhi; “Lixdii Maalmood ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxaa halkan (istayjka) ka qabsoomay 25 Dood Cilmiyeed oo kala duwan. Waxa kale oo halkan soo fuulay 15 Bandhig Buug. Lixda cisho ee uu socday Bandhiggu waxa ka qayb-galay 35 Buug oo cusub. Waxa halkan soo fuulay Dad ka badan 150 Qof oo isugu jira Cilmi-baadhayaal, Qoraayo, Suugaan yahan iyo Aqoonyahan kala duwan.”

Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa uu sheegay in Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa yahay ka ugu ballaadhan ee noociisa ah ee ka qabsooma gobolka Geeska Afrika, waxaanu yidhi; “Habeen iyo subax, waxaa soo booqday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo yimi Dad ka badan 10 Kun oo Qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah. Runtii waa Bandhigga ugu ballaadhan ee Geeska Afrika, markaad eegto tirada Dadka soo booqday lixda cisho ee uu socday Bandhigga 17aad ee Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa.”

Munaasibadda xidhitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa waxa Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 40 Arday oo todobaadyadii u dambayey Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ku baranayey qoraal-curinta toolmoon iyo culuum kale, kuwaas buuxiyey shuruudaha waxbarasho ee looga baahnaa muddadii tabobbarradu socdeen.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo munaasibadda hadal ka jeediyey, waxa uu u mahad-celiyey guud ahaan Dadka kala duwan ee Dunida iyo dalkaba isaga yimi ee ka soo qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkani yahay kalkiisii 17aad ee Naadiga Redsea Culutural Foundation oo ay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa qayb ka tahay si xidhiidh ah u qabtaan tan iyo markii la bilaabay 2008-dii. Waxa uu u mahadnaqay, Shaqaalaha Xarunta Dhaqanka iyo 25 Dhalinyaro is-dirayaal ah oo gobollada Somaliland isaga kala yimi.

Sidoo kale, waxa uu mahadnaqay Hargeysa Group Hospital oo sannadkan ku cusbaa ka qayb-galka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, iyaga oo Shaqaalaha qaybaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka kooban yahay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah u samaynayeen ka-qaybgalayaasha Bandhigga iyo Dadka xarunta soo booqdayba. Waxa iyagana uu u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay ama taageerada Bandhigga kaalintooda ka gaysatay, iyadoo halkaas lagu abaalmariyey Shaqsiyaad dedaal iyo karti muujiyay oo qayb ka ahaa hawlaha Bandhiggan 17aad.

Dr. Jaamac Muuse Jaamac waxa uu sheegay Buuggii ugu iibsiga badnaa intii Bandhigga 17aad socday, waxaanu yidhi, “Buuggii ugu iibsiga badnaa intii Bandhiggani socday waa Buugga Maana-Faay ee uu qoray Allaah ha u naxariistee Qoraa Maxamed Daahir Afrax. Buugga labaad waa The Invincible State ee uu qoray Dr. Jaamac Guuleed. Buugga Saddexaad waa Danjire Koongo, kaalinta afraadna waa Buugga Boqol Mashruuc iyo Mashruuc ee uu Sheekh Xamse qoray halka kaalinta Shanaad uu galay Buugga ‘Ri’ baa Cuntay’ oo ay qoreen dhalinyarada sannadkii hore halkan Qoraal-curinta toolmoon ku baratay. Markaa Buugaagta ugu socodka iyo iibka badnaa waa shantaas Buug, hambalyo ayaan leeyahay guud ahaan. In Buugga Maana-Faay noqdo Buugga ugu iibsiga badnaa waxay diraysaa farriin weyn oo ah qiimaha Akhriska, gaar ahaan Fikshanku (Hummaag-abuur) Dhalinyaradeenna la leeyahay, aad bay ii farax-gelisay.”

Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Heeso kala duwan, ayaa lagu soo gabogabeeyey Cawayska xalay lagu soo xidhay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee 2024-ka, kuwaas oo ay ka qaybgalayaasha ku maaweeliyeen Fannaaniinta Kooxda Dayax-band, Kooxaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee Halkar Akaademi iyo Hiddo Akaademi, oo iyaga iyo Fannaaniin kale oo kala duwani intii Bandhiggu socday habeenkasta Caweysyada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here