Badhasaabka Saaxil Oo Ka Jawaabay Cabasho ka Soo Yeedhay Dhalinyaradda Berbera

0
618

Berbera (Hargeisa Press): Dhalinyaradda ku nool magaaladda Berbera ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qaabka loo qoray shaqaalaha cusub ee garroonka diyaarradaha ee magaaladda Berbera.

Waxaanay dhalinyaradu ku eedeeyeen xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka garroonka diyaarradaha Berbera in shaqaalaha ay qaateen aan loo marin dariiq sharci ah.

Dhalinyaradaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay arrintaasi mid sharciga baalmarsan, isla markaana shaqaalaha la qaatay aanay waxba kaga jirin dhalinyaradda reer Berbera.

Waxaanay sheegeen in shaqaalaha loo qaatay garroonka diyaarradaha Berbera in laga soo qortay goboladda kale, isla markaana kuwii reer Berbera ee xaqqa u lahaa aanay waxba kaga jirin.

Hadaba waxaa cabashadda dhalinyaradaasi ka jawaabay maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, cabashadaasi oo ay ku tilmaameen mid ay gar u leeyihiin dhalinyaradu.

Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa qiray tabashadda ay sheeganayaan dhalinyaradu ee la xidhiidha in la duudsiyay, isla markaana aan waxba lagaga darin shaqaalaha loo qaatay madaarka diyaarradaha Berbera.

 

DAAWO: Badhasaabka Saaxil Oo Arrintaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here