Badhasaabka Gabiley Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Urur Goboleedka IGAD

0
464

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo maamulka degmadda Gabiley ayaa maanta qaabilay wefti ka socday urur goboleedka IGAD.


Weftigani waxaa hor kacayay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta & technolgyka, Agaasime-yaasha guud ee Wasaaradaha arrimaha dibadda & qorshaynta qaranka.
Waxaanay weftigu soo kormeereen mashaariic horumarineed oo kala duwan oo ka socda magaaladda Gabiley.


Badhasaabka Gabiley oo kulanka weftigaasi ay la yeesheen iyo booqashadda ay ugu yimaadeen ba, waxa uu yidhi, “Waxaa maanta soo dhawaynay magaalo madaxda gobolka ee Gabilay wafti sare oo ka socda Urur gobolleedka IGAD.
Waftigan waxaa qaybka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta & technolgyka, Agaasime-yaasha guud ee Wasaaradaha arimaha dibadda & qorshaynta qaranka.
Intaasi ka dib anaga Duqa degmada Gabilay & Taliyaha qaybta waftigani waxaan tegnay Goobo mihiima oo laga hirgelliyey mashariic
Horumarineed”.


Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa sheegay in todobaadkan oo keliya ay Gabiley booqasho ku yimaadeen weftiyo kala duwan.
Taasoo uu ku tilmaamay badhasaabku in ay ka guddoomiye ahaan aad u farxad gelinayso.
“Way i farxad gelinaysaa toddobaadkan inaan Gobolka Gabilay aan ku soo dhawayno oo aan kulamo kula qaadano waftiyo kala duwan oo ka kala socday dalalka Caalamka, urur caalmiya & kuwo heer gobolka ah.
Danaha Gobolka Gabilay & guud ahaan arrimo Qarankeenna dan u ahna waan la gorfaynnay, waana guul inay indhahooda ay ku arkaan horumarada kala duwan ee Haykal dowlad ahaan & shacab ahaan-ba aynu gaadhnay si ay Dunidu ay inoogu qirto hiigsigeenna” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here