Gabiley (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, xubno ka mida golaha degaanka Gabiley iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta tukashadii salaadda Ciida kala qayb galay dadweynaha magaaladda Gabiley.
C/qani Maxamuud Jiidhe, oo tukashadii salaadda Ciidul-fidriga ayaa ugu horayn waxa uu hanbalyo u diray guud ahaanba ummadda islaamka ah gaar ahaana bulshadda reer Somaliland iyo kuwa gobolka Gabiley.
Dabaal-degga munaasibadda Ciidul-fidriga oo maanta si weyn looga ciiday guud ahaanba wadamadda caalamka ee islaamka ah.