Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama Oo Dhagax Dhigay Ceel Biyood

0
357

Boorama (HP): Waxaa maanta deegaanka Camuud ee barriga magaaladda Boorama laga dhagax dhigay ceel biyood uu madaxweynaha Somaliland ugu deeqay bulshadda Boorama.

Maamulka maamulka gobolka Awdal, iyo ka degmadda Boorama ayaana maanta si wada jir ah u dhagax dhigay ceel biyoodkaasi oo ah nooca loo yaqaano Riigga.

Waxaanu noqonayaa ceel biyoodkii labaad oo uu madaxweynaha Somaliland ugu deeqay bushadda magaaladda Boorama si ay u helaan biyo ku filan.

Sidoo kale waxaa dhagax dhiga ceel biyoodkaasi laga hirgelinayo Boorama goob joog ka ahaa isku-duwaha wasaaradda biyaha gobolka Awdal, iyo sidoo kale masuuliyiinta shirkadda Shaba.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here