Hargeysa (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Caalin Tiimbaro, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa ee isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda.
Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku boggaadiyay sida ay u muujiyeen awoodooda taageero ee ay xisbiga KULMIYE u hayaan.
Waxaana uu sheegay in taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa ay muujiyeen guushii xisbiga KULMIYE iyo cududdooda taageero ee ay u hayaan xisbiga.
Badhasaabka, ayaa waxaa uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE kula dardaarmay inay maalinta codaynta ay codkooda ugu hiiliyaan musharaxiinta xisbiga KULMIYE.