Baarlamaanka UK oo boggaadiyay heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya

0
4753

London (Hargeisa Press)- Aqalka odayaasha ee Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa maanta si weyn uga hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Xildhibaan Lord Stuart Polak oo khudbad ka jeediyay kal-fadhigii golaha baarlamaanka ee maanta, ayaa boggaadiyay heshiiska isfahan ee ay Somaliland iyo Itoobiya wada saxeexdeen.

Xildhibaan Lord Stuart Polak oo ah Xildhibaanada Baarlamaanka UK ee u ololeeya qadiyada aqoonsiga Somaliland, ayaa wuxuu tilmaamay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya yahay heshiis taariikhi ah oo muhiim ah.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in heshiiskan taariikhiga ah uu wax weyn ka tari doono nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay saaxiibada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, haddii ay ahaan lahayd Goleyaasha Baarlamaanka iyo Aqalka Sareba, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab istaageen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Lord Stuart Polak, ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Ingiriiska inay aqoonsato Somaliland si ay uga qayb-qaadato xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Wadamada caalamka, ayaa sida ay ugu heelan yihiin kobcinta xidhiidhka iyo iskaashiga adag ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxay weli door muhiim ah ka ciyaarayaa horumarinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

https://www.facebook.com/share/v/Xr5K8fTGu7MtxG3V/?mibextid=oFDknk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here