“Arrinta aan Kulmiye uga baxay waxay saamanaysaa 4 Jiil oo danbe”… xil Timojilic

0
669

Hargaysa (HP): Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic), ayaa ka waramay sooyaalkiisii Taariikh nololeed, tartankii Xildhibaannnada iyo waayo-arragnimada uu ka dhaxlay.
Xildhibaanka oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex uga soo baxay Xisbiga WADDANI, horena uga tirsanaa xisbiga Talada haya ee Kulmiye, ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay sababihii uu uga tegay Xisbiga Kulmiye, taasoo uu ku tilmaamay arrin saameynteedu raad ku yeellanayso afar jiil oo dambe.
Eng. Axmed Cabdi Ibraahim waraysi dheer siiyey Telefishanka Saabtv, waxa kale oo uu ka xogwaramay waxyaabaha uu qaban doono iyo qorsheyaasha uga meel yaalla howsha golaha Wakiillada.
Waxa uu si waadax ah u beyaamiyey inuu aqoontiisa iyo khibradiisa ku gudan doono masuuliyadda xildhibaannimo ee uu qaaday.

Halkan ka Daawo Waraysigan oo dhamaystiran:

Hargeisa Press.cim/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here