Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo qabtay qalinjabinta ardayda Jaamacada Barwaaqo ee duleedka magaalada Hargeysa.
Sidoo kale Qalin jabinta munaasibadan ardaydan waxa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiiradda, agaasimayaal guud, waalidiinta ardayda iyo ardaydii qalinjabinaysay iyo mudan iyo marti sharaf kale.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ardayda ku hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedigii waxbarasho ee ay mudada dheer soo waddeen.
Waxaanu kula dar-daarmay ardayda qalin jebiyay in dedaalkooda ay halkaasi ka sii wadaan, isla markaana ay waxbarashadooda sii kordhiyaan.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa gebagabadii xaflada shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii maanta ka qalinjabisay Jaamacada Barwaaqo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.