Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee Dalka Hindiya Wax Kusoo Bartey Iyo Kulankii Xiisaha Lahaa Ee Dr Bulxan + SAWIRRO

0
1442

Hargeysa,(HargeisaPress) —Ururka Aqoonyahnaka u dhashey dalka Somaliland ee wax kusoo bartey dalka Hindiya ayaa kulan ku sahabsan Cilmi baadhista daraasaadka aqooneed iyo jeedinta hadalada lagu falanqeynayo doorka aqoonta ee ay aqoonyahankani uga faa,ideeyeen dalka Somaliland waxa ay kuwada qaateen Xarunta Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Hargeysa Aqoonyahanka rug cadaaga ah ee Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo uga faa,ideeyay waayo aragnimadiisa dhinaca  Culuunta.

Kulankan ay isugu yimaadeen Aqoonyahanka u dhashey Somaliland ee wax kusoo bartey Dalka Hindiya iyo Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ujeedadiisu daarneyd falanqeynta daraasaadka aqooneed iyo sidii loo soo bandhigi lahaa heerka aqooneed ee ay dalka uga faa,ideeyeen aqoonyahankan iyadoo lagu saleeyay Cilmi baadhista iyo hadal jeedimaha(Lecture) ee mawduucyada nuxurka u ahaa barnaamijkan aqoon isweydaarsiga ah.

Shirkada Isgaadhsiinta Telesom iyo Dallada Dhalinyarada Sonyo ayaa iyaguna qeyb ka ahaa qabsoomida Kulan aqooneedkan ay isugu yimaadeen Aqoonyahanka machadka KULAN RESEARCH CENTRE ee Aqoonyahnka wax kusoo bartey dalka Hindiya iyo Dr Bulxan.

Waxaana ugu horeyn hadal ka jeediyay Kulan aqooneedkan hogaanka sare ee Machadka KULAN RESEARCH CENTRE Mukhtaar Xaaji Cabeydh oo iftiimiyay ujeedooyinka loo abuurey machadkan iyo baahida loo qabey oo ku aadaneyd in la tayeeyo Xafiisyada Maamulka Dawlada lana cilmiyeeyo kaalinta Siyaasada dalka taas oo mutawadacnimo ah hawsheeda Machadku ku fulinayo,waxna loogu kordhiyo.

Sidoo kalena waxa isaguna kulan aqooneedkan hadal kooban ka jeediyay Eng Maxamuud Afrax(M Dhargiye),oo isagu is dul taagey in loo baahan yahey in la dhiirigaliyo dhalinyarada aqoonyahnka ah ee ikhtiraacey Machadkan Cilmi baadhista ah isagoo sigaar ah farta ugu fiiqey aqoonta uu leeyahey Pro Siciid iyo doorkiisa shaqo.

Aqoonyahan Axmed Yaasiin Sheekh Cumar Axmed Fure oo kamid ah Xubnaha sare ee Machadkan ayaa isaguna oo hadal ka jeediyay kulan aqooneedkan ayaa si cilmiyeysan u daraaseeyay in dhaqaajinta iyo meel marinta ujeedooyinka Machadkan cilmi baadhiseed ay ku qotonto in Bulshada Somaliland laga soo saaro qol madow oo cadaanka iyo iftiinka loogu soo gudbo taas, oo uu sharaxaado iyo Tusaalayaal badan ku falanqeeyay doorka loo hindisey iyo sooyaalka dheer ee ay ku odoraseen aqoonyahnka hawshiisa Bilaabay,waxaanu ka akhriyey kulanka mawduuc uu hordhac uga dhigey kuna soo qaatey doorka aqooneed Dr Xuseen Bulxan isagoo Shirkada Telesom uga mahad celiyay doorka ay la barbar joogsatey sidii kulankani u qabsoomi lahaa.

Waxa kale oo iyaguna kulan aqooneedkani hadalo qiima badan ka jeediyay Aqoonyahanka Dr Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo isaga hadalkiisu qaatey laba saacadood isagoo sigaar ah ugu amaaney Machadka iyo Aqoonyahanka ku bahoobey sida ay u abaareen mawduucyaa ay soo bandhigeen ee Cilmi baadhista aqooneed.

Waxa kale oo iyaguna kulankan ka Hadley Pro Siciid Maxamuud Cali Jibriil oo tafaasiil qoto dheer ka bixiyay ujeedada machadka iyo aqoonyahanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here