Hargeysa, (HargeisaPress) — Aqoonyahan Cabdikariim Saalax Maxamuud ayaa mar labaad usbuucan gudihiisa daaha ka Qaaday iftiimiyeyna wax uu ku tilmaamey siyaasada guracan ee foosha xun ee ay xukuumada Somaliland caadaysatay.
Isagoo Arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;
Ugu horeyntii waxaynu wada ognahay in illaahay subxaanahu watacaalaa uu adoomihiisa ku kala beeray Lixda Qaaradood ee ay dunidani ka kooban tahay, adoomahaa oo ku kala duwan, Midabka, Diinta, Luqada iyo Dhaqanka.
Hadaba, umad walba oo uu illaahay dhul isku mid ah ku beeray waxay ugu horayntii ku dadaaleen inay helaan qaabkii ay ugu wada noolaan lahaayeen dhulkaa iskana kaashan la haayeen degaankooda, haday noqon lahayd dhinaca nabadgelyada iyo haday noqon lahayd dhinaca waxsoosaarka
Hadaba, Waxaa is weydiin leh maxay bulshada reer Somaliland kaga duwan yihiin bulshooyinka kale ee caalamka ku nool iyo kuwa jaarka nala ah, maxayse nabadgelyo iyo iskaashi ugu wada noolaan la’li yihiin bulshada reer Somaliland, bulshooyinkaas oo badankood aynu wada ognahay inay leeyihiin Diimo, Midabyo, Luqado, iyo Dhaqamo kala duwan.
Hadaba hadii aan isku dayo inaan jawaab kooban ka bixiyo su’aashaa anigoo kaashanaya aqoontayda, waayo aragnimadayda iyo dhalashaba, waxaan is leeyahay marka hore, bulshada reer somaliland wuxuu illaahay ka dhigay bulsho isku Diin ah, isku Midab ah, isku Luqad ah, iskuna Dhaqan ah. marka xigana waxaan is leeyahay waa bulshado ay ragaadisay oo aan weli helin hogaamiyeyaal karti, daacad iyo aqoonba u leh sidii la isugu soo dhoweyn lahaa loona horumarin lahaa bulshada reer Somaliland ee uu illaahay degaankan ku wada beeray.
Sidoo kale, waxaa muuqata in hogaamiyeyaasha Somaliland qaarkood aanay lahayn wadaniyad, aqoon maamul iyo aragti fog oo midaysan oo sare u qaadi karta midnimada iyo tayada bulshada reer Somaliland, dhalisana nabadgelyo waarta iyo waxqabad ku filan oo wada gaadha dhamaan gobolada Somaliland Bari ilaa Galbeed.
Waxaa sidoo kale iyana cad oo aan la dafiri karin in qaar kamida masuuliyiinta xukuumada Somaliland ee talada haysaa ee iyagu ku yimi kursiga tolnimado, ay si gaara uga soo horjeedaan in bulshada ku nool gobolada Bariga Somaliland ay helaan nabadgelyo waarta iyo horumar sida gobolada Galbeedka Somaliland.
Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa dagaaladii iyo nabadgelyo xumadii soo noqnoqonayey ee beryahanba ka socotay magaalada Taleex, waxaad la socotaan waxaa halkaa ay xukuumada Somaliland u dirtay rag ka tirsan masuuliyiinta xukuumada iyo dilaaliin dana gaara leh oo aan magac ku lahayn degaanadaas, jawaabtii ay iyagu ka sheegeen telefishinadana iyo warbaahinadana waynu wada aragnay in ragaasi ay qireen inay xalin kari waayeen dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada taleex, waxaad kaloo la socotaan oo aad ka wada maqasheen warbaahinta in ragaasi ay yiraahdeen waxaanu kala dhexdhignay ciidamo milateri si ay usii huriyaan colaada mashruucna uga soo baxo halkaa lagu noqnoqdo oo aan soo afjarmin ebid, waxaad kaloo la socotaan oo aad ka wada maqasheen warbaahinta in ragaasi ay lahaayeen wax intaa ka badan waanu ka qaban kari waynay, oo waxaa loo baahan yahay in xukuumada somaliland ay u soo dirto gobolka Taleex, Guurti iyo salaadiin, aqoonyahaniin, waxgaradkii iyo kuwo ku ladhan, si ay u xaliyaan dhibaatooyinka ay iyagu abuureen oo ay horjoogayaasha ka ahaayeen bilowgii.
Hadaba, sidaan hore u sheegayba masuuliyiintaa iyo dilaaliintaa marwalba loo dirayo Taleex iyo dhamaan gobolada kale ee bariga Somaliland, waxaynu wada ognahay in nimankaasi yihiin kuwii horjoogayaasha ka ahaa ee dabkan shiday dhowr sanadood ka hor, waxaynu kaloo wada ognahay in nimankani ay yihiin horjoogayaashii shiday dabkii kalshaale, sidoo kale, waa nimankii horjoogayasha ka ahaa dagaaladii dhexmaray bulshada walaalaha ah ee wada degan Qorilugud, waa nimankii Somaliland ka dhex unkay khaatumo,
Hadaba, waxaa isweydiin leh gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn maxay kaga duwan yihiin gobolada kale ee Somaliland, waxaa kaloo iyana isweydiin leh waa maxay cadowtinimada intaa le’eg ee ay xukuumada talada haysaa u hayso bulshada ku nool degaanada bariga Somaliland, waxaa kaloo iyana isweydiin mudan waa maxay sababta ay xukuumada talada haysaa ay marwalba u dhinac marto dhaqankii, waxgadarkii iyo aqoonyahanadii beeshaasi lahayd oo ay isu maamuli jireen boqolaalka sanadood ee ay bulshadaasi ku noolayd gobolada Bari ee Somaliland,
Sidaa awgeed, waxaa cad oo noo wada muuqata in xukuumadani ay qeyb lixaadleh ka tahay colaada iyo nabedgelyo darada ka taagan gobolada bari, sidoo kale, waxaa cad oo noo wada muuqda in xukuumadani ay dhegaha ka furaysatey inay talada dalka wax ka siiso oo ay soo dhoweyso dhamaan salaadiintii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ay beeshaasi lahayd qarniyaal, kuwaas oo aan iyagu mudaba ka dhex muuqan saaxada siyaasada somaliland, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga” salaadiintaa, waxgaradkaa iyo aqoonyahanadaas oo ah albaabkii laga gelayey nabadgelyada iyo horumarka dhamaan gobolada somaliland.
Hadaba, waxaa kaloo iyana isweydiin mudan, maxay Xukuumada talada dalka haysaa ay uga doorbidey salaadiintii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii ay beeshaasi lahayd dilaaliin dana gaara leh, dilaaliintaa oo ay dhegaha indhahaba iyo laabtaba u furtay inay ka ganacsadaan hadhka cad dhiiga shacabka walaalahood ah ee ku nool gobolada beri ee Somaliland,
Ugu dambeyntii, waxaan Xukuumada talada dalka haysa usoo jeedinayaa inay ka waantowdo ficilada foosha xun ee ay caadaysatay, joojisana kala Qob-Qobka iyo Hagrashada beelaha walaalaha ah ee wada degan Somaliland. Sidoo kale,waxaan usoo jeedinayaa salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanada beelaha kale oo dhan, inay si degdeg ah u baadi doonaan dhigoodii oo lawada ogyahay halkay joogaan, salaadiintii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii beelaha bari si loo helo nabadgelyo waarta, horumar baaxad leh iyo aqoonsi buuxa, hadii kale dad badan oo aan tegi jirin ayaa tegi oo ay raacdadooduna adkaan.
Allaa Mahad leh
Abdikarim Salah Maxamud Orme