Washginton DC — Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay hogaamiyaan Jamhuuriga ayaa ansixiyey miisaaniyad ku-meel gaar ah oo madaxweyne Trump siineysa shan bilyan oo dollar oo uu u codsaday dhismaha darbiga uu ka dhisayo xuduudda.
Xubnaha Aqalka ayaa sharcigan ku ansixiyey cod ah 217-185, xilli damnbe oo khamiistii ah, ayaga oo rajaynaya inay taasi weeciso hakad ku yimaada howlaha dowladda.
Sharcigan ayaa iminka u gubaya Aqalka Senate-ka, halkaasi oo aysan jirin wax rajo ah oo laga qabo in lagu ansixiyo.
Trump ayaa ku adkeystay in miisaaniyadda lagu soo daro lacagta dhimsha darbiga laga dhisayo xuduudda Mexico, isaga oo u sheegay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada inuusan saxiixi doonin sharciga, haddii aysan lacagtaas ku jirin.
Hogaamiyaha xubnaha dimoqraadiga ee Aqalka Senate-ka, Chuck Schumer ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu qalaalse gelinayo dalka, isaga oo dowladda ku hogaaminaya inay shaqadeeda istaagto.
VOA