Hargaysa (HP): Xildhibaan C/kariin Maxamed Muxumed, oo ka mida mudaneyaasha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka hadlay loolanka loogu jirro hanashadda guddoomiyaha golaha Wakiiladda
Xildhibaan C/kariin, oo ka soo baxay ama ka tirsan xisbiga Kulmiye waxa uu tilmaamay in xildhibaanadda Kulmiye ka soo baxay ay maalmahanba wadeen wada tashiyo la xidhiidha sidii ay ugu guulaysan lahaayeen guddoomiyaha golaah Wakiiladda.
Waxaanu sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan natiijadda wada tashiyadda u socda mudaneyaasha ka soo baxay xisbiga Kulmiye.
Xisbiga Kulmiye ayaa hore u shaaciyay in xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ka soo baxay gobolka Sool uu u sharaxan yahay guddoomiyenimadda golaha Wakiiladda Somaliland ee cusub.
Xildhibaan C/kariin Maxamed Muxumed, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda hargaysa waxa kaloo uu sheegay in labadda xubnood ee guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyo labaad ee golaha Wakiiladda ay ka rejaynayaan in xisbiyadda mucaaradka ah ay soo xushaan.
Daawo: Xildhibaan C/kariin Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.