Akhriso: Sooyaalka Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya & Qodobadii Laysku Mariwaayay

0
997

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fikrika ah in ay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ahaa ee ee lagu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “Beesha Caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.

Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada. Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo lagaga arrisanayay arrimahan.

Shirkii London

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xidhiidha – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii.

Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaadho waxa xaajoodka la xidhiidhay qodabadii ay labada dhinac ka wadahadli lahaayeen.

Wakiiladii ka socday Somaliland, ayaa markaasi ka cadhooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday maamul goboleedka Puntland.

Bayaan ka soo baxay kulankaasi, ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeeda.

Kulankii Siilaanyo iyo Shariif ee Dubay

Waxaa isla sannadkii 2012-kii, magaalada Dubay ku kulmay madaxwenihii Dowladdii Kumeelgaadhka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa kulankaasi martigleisay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Labada madaxweyne, ayaa amray in guddiyada farsamo ee labada dhinac matalayay ay sii wadaan wadahadallada.

Kulankii Ankara 2013-kii

Madaxweynaha hada ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo, ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Waxaa kulankaasi goobjoog ka ahaa Recep Tayyib Erdogan oo xilligaas Ra’iisal Wasaare ka ahaa Turkiga.

Wasiirkii Arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu, ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada. Dhinacayda ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin;

Xoojinta nabad galyada gobolka

Wadaagista xogta ku saabsan amaanka

Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo waxyeelayn kara kulamada socda

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada.

Kulankii ka dhacay Istanbul

Wax yar ka dib kullankii Ankara, waxay labada dhinac mar kale ku kulmeen Istanbul bishii July 2013-kii. Kulankaas, ayaa lagaga hadlay arrin muhiim ah sida maamulka hawada.

Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulesay tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Heshiiska wuxuu ahaa in magaalada Hargeysa looga dhigo saldhig. Lana qeybsado dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada.

Mar kale ayay dhinacyada ku kulmeen Istanbul bishii January 2014-kii iyagoo ku heshiiyay in la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka so shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa.

Kulankii Jabuuti – 2014-kii

Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxeexday heshiis dhigayay in wadahadaladii hakadka galay dib loo billaabo.

Waxay sidoo kale isku afgarteen in aan la siyaasadeynin barnaamijyada gargaarka iyo horumarka. Waxay ku heshiiyeen in kulanka xiga ay ku qabsadaan dalka Turkiga January 2015.

Kulankii fashilmay ee Istanbul

Dhinacyada, ayaa sidii ay ku heshiiyen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma ayna kulmin.

Labada dhinac, ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka. Somaliland ayaa ku eedeysay Soomaaliya inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Soomalaiya, ayaa sheegtay in Somaliland ayna daw u lahayn inay u meeriso cidda ay tahay in ay wadahadallada ku matalaan.

Hakad ku yimid wadahadallada

Wixii intaa ka dambeeyay ma jirin wax wadahadal rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac. Balse waxaa sii socday eedeynta ku saabsan cidda leh masuuliyada burburka wadahadallada.

Afar sano ka dib markii la hakiyay wadahadallada, bishii February Madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland ee wakhtigan, Muuse Biixi Cabdi waxay ku kulmeen magaalada Addis Ababa. Labada hoggaamiye waxaa isu keenay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Fulinta heshiiyadii hore

Labada dhinac, ayaa midba kan kale ku riixayay mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa.

Somaliland, ayaa arrimo ka tabaneysay xukuumaddii Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii hore looga heshiiyay.

Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada xaajoodka laakiin ay marka hore Soomaaliya ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii hore loogu gaadhay kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Edna Adan Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada ayaa tidhi: “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho.

“Umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii hore loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay ayuu yidhi saxeexyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yidhi diyaaradaha hallaga maamulo Xamar”.

Soomaaliya, ayaa beenisay eedeymahaas waxa ayna sheegtay inay ka go’antahay sii wadidda wadahadallada. Madaxweynihii Soomaaliya ee xiligaasi Farmaajo, ayaa raaligelin ka bixiyay “tacaddiyadii ay dowladdii Maxamed Siyaad Barre ka geystay Somaliland”.

Caqabadaha horyaalla wadahadallada dib loo billabay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta u ambo-baxay Jabuuti, ayaa kahor intii aanu bixin la kulmay Wakiilada Turkiga iyo Norway u qaabilsan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa miiska soo saaray shuruudo uu ku xidhay wadahadallada la qorsheynayo in markale dib loo bilaabo.

1. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in la helo hanaan laba dawladood iyo xal ku dhamaada laba dawladood kala madax-bannaan, sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo xor ah oo iskood u midoobay 1dii july, 1960. Balse kala noqday 1991-kii, waxaana intaa dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee la soo dhaafay ahayd dawlad madax-bannaan oo ku nool nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hir-gelisay wareegyo badan oo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay shan (5) xilwareejin madaxweyne oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah ayey qabsoomeen.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la hir-geliyaa si degdeg ah, tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin ah oo caalamiya (International mediation mechanism) oo dammaanad qaadaya fulinta natiijada ka soo baxda wadahadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta, isla markaana Xoghayntu waa inay ku sifowdo dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay u leedahay karti iyo xirfad hawshan.

5. Waa inuu jiraa mabaadi’dii (principles) muhiim ah iyo xeer-dhaqan (code of conduct) oo hanaanka wada-hadalku saldhig u noqon doono.

6. Waa in uu jiraa Ajende cad oo qeexaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac, si looga wada wada-hadlo arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka.

7. Wadahadalku waa inuu ku soo gebegaboobo wakhti xaddida.

Hasse yeeshee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna intii aanu Jabuuti u bixin la kulmay Wakiillada dalalka Norway iyo Turkiga, ayaa u sheegay inay ka go’antahay in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya dib loo furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here