Akhriso: Liiska guddiyada ololaha Xisbiga Kulmiye ee gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley

0
739
Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga muxaafidka ah ee talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa maanta waxaa uu shaaciyay liiska guddiyada ololaha ee Xisbiga ee gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley.

Guddiyadan ololaha xisbiga Kulmiye ee gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley, ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Guddiyada ololaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa ay tiradoodu ka kooban tahay 21 xubnood.

Sidoo kale, guddiyada ololaha ee gobolka Gabiley, ayaa iyaguna waxaa ay tiradoodu tahay 26 xubnood.

Xubnaha guddiyada ololaha ee Xisbiga Kulmiye ee gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley, ayaa waxaa ka dhex muuqda Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiillada iyo masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda.

Hoos ka akhriso magacyada labada guddi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here