Berbera (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, ayaa magaalada Berbera kaga qayb gashay munaasibad lagu soo bandhigayay buug ay gabadhi qortay.
Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigayey Buugaasi oo magaciisa la yidhaahdo Sirta Gaarida oo ay qortay goraaga Sacdiyo Yuusuf.
Bandhiga buugaasi waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta, agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta, siyaasiyiin, golaha deegaanka Berbera, bahda qpreyaasha, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.
Waxaana agaasime Deeqa Cabdi Yuusuf, lagu maamusay Shahaado Sharaf ka turjumaysa dhiiri-gelinta iyo garab istaaga ay Haweenka Somaliland mar kasta la garab tagaan tahay.
Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, oo hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa ku bogaadisay qoraaga Buugaasi Sirta Gaarida qortay in ay dooratay mawduuc muhiim u nolosa bulshadeena oo ah haweenka.
Gebagebadii xafladaasi ayaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf, waxay 300 oo Buug oo ugu deeqday rugta akhriska Berbera (Berbera Library) magaalada Berbera.