Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo baaq u jeediyay Warbaahinta dalka

0
940

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa maanta hadal ka jeediyay tababar loo qabtay qaar ka mid ah Saxafiyiinta madaxa-banaan iyo kuwa dowladda, kaasi oo ka qabsoomay xarunta tababarka Saxafiyiinta ee wasaaradda Warfaafinta.

Agaasime Mustafe Shiine, ayaa waxaa uu fariin u diray Warbaahinta kala duwan ee ka hawl gasha dalka Somaliland, gaar ahaan Warbaahinta madaxa-banaan.

Waxaanu ugu baaqay inay door weyn ay qaataan oo ay meel uga soo wada jeestaan difaacida dalka Somaliland, isla-markaana ay muujiyaan kaalin muwaadinimo.

Sidoo kale, agaasimaha, ayaa sidoo kale Warbaahinta ugu baaqay inay dalka ka difaacaan cadowga ku soo duulaya iyo cadowga kale ee waxma garatada ah ee dalka dhex jooga.

Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa warbaahinta dalka ku guubaabiyay doorka ay dalka ugaga jiraan difaacida wadankooda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here