Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta oo Ceerigaabo ka daahfuray Barnaamijka khataraha baraha bulshada

0
915

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa maanta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka daah-furay barnaamij bulshada lagu wacyigelinayo.

Barnaamijkan uu agaasimuhu daah-furay, ayaa ujeedkiisu ahaa mid bulshada magaalada Ceerigaabo lagaga Wacyi-gelinayo wararka been abuurka ah.

Barnaamijkan oo ay soo qaban-qaabisay Mashruuca Miisaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda dhaqanka, Garyaqaano, aqoonyahan, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Ceerigaabo.

Ujeedada qabashada barnaamijkan, ayaa looga goleeyahay sidii la iskugu waydaarsan lahaa afkaaraha kala duwan, iyadoo si weyn looga doodayo khataraha iyo saameynta wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale barnaamijkan lagaga doodayaa doorka ay wararka been abuurka ahi ku yeelan karaan sii hurinta colaadaha iyo weliba sidii looga hortagi lahaa khatarahaas.

Barnaamijkan, ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Cilmi-baadhis laga sameeyay bulshada Soomaalida dhexdeeda iyo sida ay u isticmaalaan baraha bulshada.

Cilmi-baadhista, ayaa waxaa ay daaha ka qaadeysaa khataraha ku gadaaman saamaynta baraha bulshada iyo sidii la iskaga wacyi-gelin lahaa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo hadal ka jeediyay daah-furka barnaamijka, ayaa ka waramay muhiida uu barnaamijkani u leeyahay bulshada.

Agaasimaha, ayaa waxaa uu ku baaqay in si wada jir ah meel looga soo wada jeesto khataraha iyo saameynta wararka been abuurka ah ee baraha bulshada lagu faafiyo.

Waxaanu sheegay in waayadii hore warbaahinta dalka ay gacanta ku hayeen wariyeyaal leh xirfad saxaafadeed oo bartay aqoonta saxaafada oo kala yaqaanay wararka runta ah iyo wararka been abuurka ah, balse buu yidhi ay waayadan dambe soo bateen wariyeyaal aan lahayn aqoon iyo xirfad saxaafadeed.

Agaasime Mustafe Shiine, ayaa sheegay in xeerkii xakamayn lahaa saxaafada iyo wararka been abuurka ah uu horyaalo golaha Wasiirrada Somaliland, isla-markaana ay rajaynayaan inuu si dhakhso leh loo dhaqan geliyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here