Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta oo ku baaqay ka qayb-qaadashada ololaha tacaddiyada haweenka

0
1133

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qosyka Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa waxaa uu maanta furay kulan ay wasaaradda Shaqo-gelintu soo agaasintay.

Kulankan, ayaa waxaa uu ahaa mid lagu ibo furayay 16 ka cisho ee barnaamijka ololaha wacyi-gelinta ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.

Madasha kulanka, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradda, daneeyayaasha arrimaha haweenka, hay’addaha kala duwan ee ka hawl gala dalka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyo mudan kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa si qoto dheer uga waramay muhiimadda kulanka ee ku aadan arrinta ololaha tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul.

Agaasimaha, ayaa soo bandhigay heerarkii kala duwanaa ee xeerarka iyo siyaasadaha tacdiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul iyo sidii ay ka wasaarad ahaan ay xooga u saareen sidii loo yarayn lahaa.

Waxaa uu Agaasimuhu sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii loo dhamaystiri lahaa xeerarka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo kufsiga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa ugu dambayntii ku baaqay in laga qayb qaato ololaha ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo dadka nugul iyo sidii gobolada dalka loo gaadhsiin lahaa.

Linkigan hoose guji oo ka daawo muuqaalka

https://www.facebook.com/share/v/14ys2cHqMc/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here