Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Netherland.
Intii kulanku socday agaasimuhu waxa uu la wadaagay xubnaha weftiga warbixin ku saabsan mashaariicda horumarineed ee wadanka ka socda, qorshaha horumarinta qaranka ee 3aad iyo sida ay u socdaan arrimaha doorashada madaxweynaha iyo xisbiyada qaranka ee dhawaan ka qabsoomi doona guud ahaan wadanka Somaliland.
Sidoo kale, Agaasimaha guud waxaa uga mahadnaqay masuuliyiinta mashariicda horumarineed ee dowladda Netherland ay ka taageerto dowladda Somaliland.
Dhanka weftiga, ayaa agaasimaha guud uga mahadnaqay soo dhawaynta fiican waxayna dowladda Somaliland ku amaaneen sida ay mar walba uga go’antay ka midho dhalinta arimaha horumarka, dimuqraadiyada iyo xasiloonida.
Ugu dambayn waxay labada dhinac isla qaateen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dowladood ee Somaliland iyo Netherland.