Wasiirka Xidhiidhka Golleyaasha Somaliland oo la ganaaxay

0
2410

Hargeysa (Hargeisa Press)- Gudidda anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo kormeerka ee Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ganaax lacageed ku riday Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka golleyaasha iyo arrimaha dustuurka Cabdnaasair Muxumed Xasan Buuni.

Wasiir Buuni, ayaa sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga KUMIYE, waxaana gudiddu ku sababeeyeen ganaaxa lagu riday. kadib markii uu ku gefay anshaxa nidaamka doorashooyinka ee olollaha.

Ganaaxa Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka golleyaasha, ayay sidoo kale sababeeyeen, eedayn uu u jeediyay Guddida Doorashooyinka qaranka iyo Guddida, anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, kadib markii uu ka horyimid ganaaxii lagu riday xisbiga Kulmiye.

Guddida anshaxa, xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka, ayaa Wasiirka Xidhiidhka golleyaasha ku ganaaxay lacag dhan 10 milyan oo shillinka Somaliland ah.

Guddida, ayaa Wasiirka faray in uu go’aankan u filiyo sida ugu dhakhsaha badan, isla-markaana uu lacagata ku bixiyo muddo saddex cisho ah, kuna shubo bangiga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here