Agaasimaha Maalgashiga oo Furay Kulanka 2aad Ee Guddida Qaban-qaabada Carwada Maalgashiga

0
493

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Cabdkarim Muuse Maal ayaa furay kulankii labaad ee Gudida Qabanqaabada Carwada Maalgashiga iyo warshadaha oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Agaasimaha Guud, ayaa warbixino ka dhagaystay Gudida halka ay marayso Qabanqaabada Carwadu isga oo kula dardaarmay gudidan in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah ee lagaga tashanayo hirgalinta carwada 3aad ee Maalgashiga iyo Warshadaha.

Geesta Kale Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Carwada Maalgashiga iyo warshadaha Cabdalle Maxamuud ayaa isaguna soo jeediyay halka ay marayso iyo ilaa hadda waxyaabaha u qabsoomay Gudida.

Dhinacooga xubnaha guddidan ayaa ka dooday arrimo badan oo lagu dardargalinayo qabsoomida Carwada Maalgashiga iyo warshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here