Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’adanimada Jamhuuriyadda Somaliland Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo, ayaa waxaa uu baaq degdeg ah oo ku aadan dabkii ka kacay Buurta Daallo u diray guud ahaan shacabka Gobolka Sanaag.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dibu-dajinta Somaliland, ayaa shacabka magaalada Ceerigaabo ugu baaqay in ay si dhaqso leh uga qayb qaataan gurmadka dabka xooggan ee ka kacay buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag ee Daallo.
Sidoo kale, Agaasime Baaxo, ayaa sheegay in dabkani uu yahay masiibo weyn oo si xawli ah u fidaysa hadaan deg deg loo xakamayn, isla markaana khatar ku ah deegaanka, xoolaha, iyo nolosha dadka gobolka.
Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in bulshadu isku duubnaato si loo damiyo dabkan, loona badbaadiyo khayraadka dabiiciga ah ee Alle inoo hibeeyay iyo deegaanka hodanka ah ee gobolka Sanaag.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dibu-dajinta Somaliland, ayaa ugu baaqay hay’adaha dawliga ah, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ganacsatada, dhallinyarada, iyo guud ahaan bulshada Somaliland in ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu daminayo dabkan si loo yareeyo khasaaraha uu sababi karo.
Ugu dambayn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda dibu-dajinta Somaliland, ayaa waxaa uu Alle ka baryey inuu masiibadan inaga qabto, dadaalladana inoo fududeeyo.