Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta furay shirka qaybeedka Dumuqraadiyada iyo Maamulka Daadejinta.
Shirkan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo Warfaafinta, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.
Shirkan oo qayb ka ah shanta tiir uu ka kooban yahay Mareegta guud ee maamul wanaagga, ayaa qabsooma Sadexdii Bilood-ba mar, taasoo ujeedadiisu tahay in lagu qiimeeyo ama lagaga wadahadlo waxyaabaha ka qabsoomay sector-ka Dumuqraadiyada iyo Maamul Wanaaga oo ka mid ah qorshaha saddexaad ee Qaranka Somaliland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa shirkan ka jeediyey khudbad ka waramaysa muhiimada shirkani Qaranka u leeyahay.
Waxaanu Agaasimaha guud intaa daray in la qabanayo dhowaan shirkii waynaa ee Maamul Wanaaga iyo Dumuqraadiyada, kaasoo ay ka soo qayb geli doonaan Hay’addo badan oo kala duwan.
Agaasime guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa uu sheegay in marka qorshe dalku yeesho la garan karo halka la marayo.