Agaasimaha Guud ee W. Deegaanka oo Kormeeray Seereyaasha Gobolka Awdal

0
602

Boorama (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa kormeeray xarumaha dhir kobcinta ee magaaladda Boorama.

Agaasime Maxamed C/laahi Ducaale, oo safar ku tagay magaaladda Boorama, ayaa sidoo kale soo kormeeray Seereyaasha ay wasaaradda Deegaanku gacanta ku hayso ee gobolka Awdal.

Kormeerkaasi waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay isku-duwaha wasaaradda Deegaanka ee gobolka Awdal, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska wasaaradda Deegaanka ee Awdal.

Maxamed C/laahi Ducaale, oo markii uu kormeerkiisa soo dhamaaday ka warbixiyay ujeedadda kormeerkaasi, ayaa sheegay inuu la xidhiidhay u kuur-galka xaaladaha Seereyaasha Awdal, iyo xarumaha dhir kobcinta Boorama.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha wasaaradda Deegaanka ee sanadkan inay ka mid tahay in wax laga qabto hawlaha dhiraynta magaaladda Boorama, iyo waxyaabaha lagaga hor tegayo nabaad-guurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here