Hargaysa (HP): Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta tababar u furtay shaqaalaha xafiiska imtixaanka qaranka.
Waxaana tababarkaasi shaqaalaha u furay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.
Tababarkan loo qabtay shaqaalaha manaabiijta, iyo xafiiska imtixaanaadka qaranka ayaa ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda.
Iyadoo na uu tababarkani qayb ka yahay tababarro ay sanadahanba shaqaalaha dawladda u qabanaysay wasaaradda dastuurka Somaliland.
Cabdi Yuusuf, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in u jeedadda laga leeyahay tababarkani ay tahay sidii shaqaalaha dawladu ay u baran lahaayeen dastuurka, iyo shuruucda kale ee ka farcama.
DAAWO: Warka Furitaanka Tababarkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.