Bil iyo badh ka hor ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeruhu ii yeedhay. Markii aan u tegay, wuxu igala hadlay inan kala hawl-galo sidii dadka deegaanka Banka Wajaale looga dhaadhicin lahaa mashruucan Pharo.
Anna waxan Agaasimaha ka codsaday inu ila wadaago qorshaha Pharo si aan u hubiyo inu mashruucu dadkayga faa’iido u leeyahay iyo inu halis ku yahay noloshooda. “Waan kula soo wadaagi doonaa” ayuu igu yidhi, balse waxna ilama uu soo wadaagin, dib dambena iilama uu soo hadal.
Marka halkaa arrin marayo, waxan isku dayey in aan xog rasmi ah mashruucaasi ka helo. Nasiib wanaag, xog guud-mar ah ayaan ka helay, taas oo sheegaysa:
1.In qorshaha Mashruucani uu soo bilaabmay 8 Jan 2024-kii.
2. In dhulka Pharo lagu wareejinayaa dhan yahay 5,800 hectare. Waa dhul dhan 58 km². Bankii Wajaale, 80% – 90% ka mid ah ayey dawladdu Pharo gacanta u gelinaysaa.
2. In la baro-kiciyo dadka deegaanka si meesha loogu banneeyo shirkada Pharo ee macaash doonka ah.
3. In halkii hectare lagu kireeyo $10. Hadda garo oo halkii hectare waa 10,000 m².
Dhulka intaas leeg ayaa $10 lagu kiraynayaa. Kolkaa sannadka dhan $58,000 ayey dawladdu ku kiraynaysaa banka Wajaale siduu u dhan yahay.
4. In dawladda la siin doono 10% ka mid ah wax-soo saarka dalaga (Maaha 10% macaashka ah) iyaga oo ka faa’iidaysanaya dhulkii iyo biyihii labadaba.
Banka Wajaale waa ubucda deegaanka aan rabo inan dadkiisa matalo, sidaa darteed ma ihi daawade balse waxan ahay daneeyaha koowaad, mashruucan Pharo ee dawladdu dabada ka riixaysaana wuxu halis ku yahay jiritaanka dadka deegaankaas alle ku beeray.
Sidaas darteed, in la isku dayo in la dhaxal-wareejiyo dadka banka Wajaale deggan, waxa ka dhalan doonta cidhib-xumo aan la mahadin, taas oo galaafan doonta nabada iyo dawladnimada labadaba”
W/Q: Abwaan Weedhsame