Abiy iyo Erdogan oo wadahadal yeeshay, kahor shirka Ankara

0
1115

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Hoggaamiyayaasha, ayaa ka wada hadlay sare u qaadida xidhiidhka labada dal, gaar ahaan in diirada la saaro sidii loo laba jibaari lahaa ganacsiga.

Labada dhinac, ayaa sidoo kale ka hadlay xoojinta iskaashiga gobolka, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Madaxweyne Erdogan ee fududeynta xallinta isfaham waaga ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya.

Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ay helaan badda iyada oo loo marayo hab la isku raacsan yahay.

Wadahadallada, ayaa ku soo beegmaya, kahor shir ay beri oo Isniin a Ankara ku yeelan doonaan Wasiirada Arrimaha Dibedda Itoobiya iyo Soomaaliya oo dib u sii amba qaadaya wada-hadallada u dhexeeya labada dhinac ee ay gadhwadeenka ka tahay dowladda Turkigu.

Hase yeeshee, waxaa xusid muddan in wadahadaladii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Dowladda Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU.

Kulamadii labada dhinac, ayaa ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay dowladda Itoobiya meel adag ka tagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here