Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa waxaa uu maanta shaaciyay in kala badh la xidhi doono safaaradaha dibadda ee dalkiisa ku yaalla.
Abiy Ahmed, ayaa hadlkan ka sheegay kal-fadhiga afraad ee gaarka ah ee ay yeesheen baarlamanka dalka Ethiopia.
Wuxuu sheegay Abiy Ahmed in safaaraddo badan loo baahnayn, taasoo galineysa dalka kharashaad dheeraad ah.
Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xidhi doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yidhi khudbada uu ka jeediyay baarlamaanka Ethiopia .
Geesta kale, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay xaalada gobolka Tigray, ayaa sheegay in go’aankii uu kala soo baxay ciidamada dhanka iyo Tigray uu ahaa mid sax ah oo loo aynayo oo saraakiishu ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fikiro.
Waxaanu sheegay in dowladdiisu ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay doonayso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladii ay halakeeyeen ee Tigray.
Hadallada Abiy, ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TPLF xilli dowladdiisu ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.
Saraakiisha Tigray-ga, ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyay baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday.