Abiy Ahmed oo Booqday Warshada Soo Saarta Hubka iyo Rasaasta

0
989

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqday Warshada soo saarta Hubka iyo Rasaasta ee Itoobiya.

Booqashadan waxaa ra’iisal wasaaraha ku wehelinayay madaxa ciidamada difaaca Itoobiya General Berhanu Jula iyo masuuliyiin kale oo kat irsan dowladda.

Xarunta ayaa waxay ku takhasustay soo saarida rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay adeegsadaan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF).

Abiy Ahmed waxa uu sheegay in uu dib u habayn iyo casriyeyn uu ku samaynayo warshadda hubka.

“Waa la ogyahay in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ay bilaabeen inay dib u habeyn ku sameeyaan oo ay xoojiyaan awoodooda wax soo saar si ay u ilaaliyaan madaxbanaanida dalkeena si waara.”ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

“Awoodda ENDF ee soo saarista alaabada heerka caalamiga ah iyo xoojinta diyaargarowgeeda ku saleysan cilmi baadhis ku filan waa muuqataa.Waan sii wadi doonaa inaan ku sii xoojino dadaalladaas, ”ayuu raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here