Xiin-galool, (HargeisaPress) — Qoys ka kooban 9 xubnood, ayaa ku sumoobay wax loo mallaynayo inay ahaayeen Caano aanay bad-qabkooda ogeyn, sida uu sheegay Dr. Cabdirisaaq Cabdilllaahi Aw Yuusuf.
Sida uu BBC u sheegay Dr. Cabdirisaaq Cabdillaahi Aw Yuusuf, Qoyskan 9-ka Qof ka kooban ayaa sumoobay 30-kii bishii hore ee juun.
Dadkaas oo ku nool deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa sida uu dhakhtarku sheegay waxaa subaxnimadii la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla isla deegaanka, halkaasoo daryeel caafimaad loogu fidiyey.
“Dadka qaarkood Kooma ayey ku jireen, qaarna kumay jirin, markii aan baadhnayna waxaan ogaannay inay isticmaaleen waxay ku sumoobeen” ayuu yidhi Dr C/risaaq.
Baadhitaan intaa dhaafsiisan ayuu sheegay in lagu samayn doono, oo sheybaadh loo diri doono dheecaanno iyo dhiigagba, wuxuuse intaa ku daray inay haysato dhibaato xagga dawada ah, isagoo sheegay in dawadu ay gabaabsi tahay.
Xaaladda dadkaas ayuu sheegay in hadda ay ka soo fiicnaaneyso sidii ay ahayd markii la keenay xarunta caafimaadka.
Waxaa la rumaysan yahay in xoolaha caanaha laga lisay ay ahaayeen kuwo dawooyin la siiyey.