41 Qof oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Dalka Turkiga

0
566

Istanbul (Hargeisa Press) – Tirada dadka ku dhintay qarax fiidnimadii Jimcihii shalay ka dhacay goob dhuxusha laga qodo oo ku taal gobolka Bartin ee waqooyiga Turkiga, ayaa gaadhay 41, sida uu Sabtida maanta uu sheegay madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in meydka mid ka mid ah macdan qodayaasha la la’yahay, isagoo xaqiijiyey in 41 qof ay dhinteen.

Erdogan oo ay garab taagnaayeen saraakiil, macdan qodayaal iyo samatabbixiyeyaal, ayaa waxaa uu wacad ku maray inuu soo afjari doono masiibooyinka macdanta.

“Ma doonayno inaan aragno cilladaha ama khataraha aan loo baahnayn,” ayuu yidhi Erdogan, wuxuuna intaas ku daray in baadhitaan lagu ogaan doono kuwa mas’uulka ka ah qaraxa.

Mar sii horreysay, wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, ayaa sheegay in 58 ka mid ah 110-kii qof ee ka shaqaynayay goobta markii uu qaraxu dhacay ay kooxuhu badbaadiyeen ama ay iskood uga soo baxeen.

Soylu, ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah macdan qodayaasha laga saaray cisbitaalka iyadoo 10 kalena lagu daweynayo Bartin iyo Istanbul.

Mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in dacwad oogayaasha Turkiga ay bilaabeen baadhitaan ku aadan waxa sababay shilkan balse calaamadihii ugu horeeyay ay muujinayaan in qaraxa uu ka dhashay macdanta dhuxusha.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah, ayaa tan iyo xalay qodayay godka si ay u soo samatabixiyaan macdan-qodeyaasha.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Fatih Donmez, ayaa sheegay in dabka ka kacay goobta si weyn loo xakameeyay balse go’doominta dabka iyo qaboojinta ay sii socdaan ka dib dhacdada oo ka dhacday meel 350 mitir (0.2 mayl) ka hooseysa dhulka.

Aaska macdan qodayaashii ku dhintay qarax goobta dhuxusha laga qodo, ayaa bilowday Sabtidii maanta.

Qaraabada dadkii ku dhintay qaraxa, ayaa xalay oo dhan ku sugayay qabowga bannaanka goobta macdanta laga qodo ee ay dowladdu leedahay oo ku taal magaalada Amasra, ee gobolka xeebta badda Madow ee Bartin, iyaga oo rajaynaya war wanaagsan.

Haweenka, ayaa ku ooyay aaska Selcuk Ayvaz, kaasoo naxashkiisa lagu duubay calanka Turkiga ee casaanka iyo caddaanka ah.

Sannadkii 2014-kii, 301 shaqaale ah, ayaa ku dhintay dalka Turkiga musiibadii ugu xumayd ee ka dhacda dhinaca macdanta ee galbeedka magaalada Soma, oo 350 km (217 mayl) ka xigta koonfurta Istanbul.

Shiine Elmi Kaahin

Istanbul Turkey

Miners carry the body of a victim in Amasra, in the Black Sea coastal province of Bartin, Turkey, Friday, Oct. 14, 2022. An official says an explosion inside a coal mine in northern Turkey has trapped dozens of miners. At least 14 have come out alive

Explosion at a coal mine in northern Turkey

Turkish President Erdogan visits the coal mine after an explosion in Amasra in the northern Bartin province

Explosion at a coal mine in northern Turkey

Funeral ceremony of mine blast victim Selcuk Ayvaz, in the village of Ugurlar

Explosion at a coal mine in northern Turkey

Explosion at a coal mine in northern Turkey

Explosion at a coal mine in northern TurkeyFuneral ceremony of mine blast victim Selcuk Ayvaz, in the village of Ugurlar

Explosion at a coal mine in northern Turkey

Funeral ceremony of mine blast victim Selcuk Ayvaz, in the village of Ugurlar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here