GABILEY, (HargeisaPress) —Waxa maanta Dhuhurkii ka dhacay kalabaydh iyo gabiley dhexdooda shil laba gaadhi oo aad u naxdin badani Gawaadhidan isku dhacday ayaa waxay kala ahaayeen Gawaadhida loo kala yaqaano Noho Iyo Laangaruuysal, shilkaasi oo ay ku naf waayeey 14 ruux halka ay ku dhaawacmee 11 qof Oo Kale.
Gaadhiga Laangaruuysal ah ayaa waxa lahaa qoys caan ka ah Somaliland oo lagu magacaabo Ina Daahir Dugsiiye Halkan gaadhida Noha-da ah ay lahayd lama Taariko Oo Kala ahaa mid Putland ah iyo mid Somaliland ah sida uu Noo Sheegay CUMAR TAHAR, oo Ku sugnaa goobta uu shilkaasi ka dhacay.
Waxaana shilkaasi ku naf waayay alla haw naxariistee 14 ruux halka ay tiro kalena dhawac yihiin loona soo cararay cusbitaalka way nee magaalada gabiley.
Waxaana shilkan oo ah shil aad u naxdin badan isla markaana ka dhacay jidka isku xidha Magaalada Kalabaydh oo Gabiley u jirta ilaa 5KM.
Dhimashadan iyo dhaawacan ayaa isugu jiray rag iyo dumar waxaana uu shilkani noqonayaa shilkii ugu dhimashada badnaa .
Goobta shilku ka dhacay ayaa waxa gaadhay kooxaha gurmadka degdega ah caafimaadka, laamaha ammaanka iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Gebilay.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa