Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Saddex Maalmood Kadib Wareejintii Dekedda Berbera, Dhaqan Gelisay Cashuur 100% Ka Badan Tii Hore Loo Qaadi Jiray

0
13941
dekedda magaalada Berbera

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland ayaa Saddex maalmood uun ka dib markii ay shirkadda DP World si rasmi ah ugu wareejisay maamulka dekedda magaalada Berbera, waxa ay dhaqan gelisay cashuur aan hore loo qaadi jirin oo laban-laab ka badan cashuurta ay qaadi jirtay ee ay hadda ku beddeshay.

Warqad si toos ah ay wasaaradda maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland ugu socodsiisay maareeyaha dekedda Berbera ee shirkadda DP World, isla markaana ogeysiin  siisay dhinacyo uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ay wasaaraddu ku caddaysay in ay qaadayso cashuurtan cusub oo boqolkiiba boqol ka badan cashuurta hore loo odhan jiray Stamp Duty oo ahaan jirtay boqolkiiba Laba iyo badh (2.5%). Waxa aanay amar ku bixisay in hadda kadib ganacsatada laga qaado lacag dhan boqolkiiba shan (5%) oo ah cashuruta iibka beddelaysana boqolkiiba labadii cashuurta Duty Stamp ahayd.

Warqad tirsigeedu ahaa MW/02/08-02B/204/2017, soona baxday 5tii March 2017, oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay oo uu ku saxeexanyahay wasiir-xigeenka maaliyadda, ayaa waxay wasaaradda maaliyaddu ku tidhi, “Laga bilaabo markay warqadani ku soo gaadho waxaa lagugu wargelinayaa in cashuurtii stamp duty ga aad ku bedeshaan cashuurta iibka oo ah 5%”

Warqaddan oo ujeedadeeda ay wasaaradda maaliyaddu ku sheegtay, “Hirgelinta cashuurta Iibka ee badeecadaha iyo adeegyada” waxa ay kaga warrantay in uu xeerka dakhliga ee Lr: 27/2016 waajibinayo in laga qaado iibka. Iyada oo xustay in marka hore la qaadi jirtay Stamp Duty ah boqolkiiba laba iyo badh (2.5%).

Geeska Afrika waxa uu ogaaday in afar maalmood ka dib warqaddan wasaaradda Maaliyadda, in ay shirkadda DP World ee maamusha dekedda Berbera iyaduna soo saartay ogeysiis ku socda dadka dekedda isticmaala oo ay ugu sheegayso in farriin uga timid wasaaradda maaliyadda loogu sheegay in wax-ka-beddel cusub oo lagu sameeyey xeerka dakhligu, uu dhigayo in lacagtii lagu magacaabi jiray Stamp Duty lagu beddelay cashuurta iibka oo ah boqolkiiba Shan (5%).

Masuuliyiinta shirkadda DP World waxa ay ogeysiiskoodan ku sheegeen in wax-ka-beddelkaas cashuurtu uu dhaqan gal yahay laga bilaabo maalintii shalay ee 11ka March 2017.

Xukuumadda ayaa hore u qaadi jirtay cashuur afka qalaad ku magacaaban oo ah Stamp Duty. Caadi ahaan cashuurta noocan ah oo dunida laga isticmaalo ayaa ah cashuurta laga qaado dhukumantiyada iyo dhammaan qoraallada sharciga la xidhiidha, sidoo kale waxaa laga qaadaa jeegagga, Rasiidhada, shahaadada meherka, iibka dhulka, iyo waxyaabo la mid ah.

Lama garanayo in isbeddelkan dhinaca cashuurta ah ee ay xukuumaddu dhaqangelisay uu saamayn ku yeelan doono biilasha muwaadiniinta caadiga ahi bixiyaan ee adeegyada dadweynaha. Waxa se’ jirta cabsi ah in ay yeelato saamaynta dhinaca sicir bararka ee ay arrintani ku keeni karto iibka suuqa iyada oo ganacsatada hore looga bartay in kharashka ku kordha ay ku daraan iibkooda suuqa, taasina ay keento in culayska rasmiga ah ee cashuruta qaaliga ahi uu ku dhaco uun tunka muwaadinka caadiga ah.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa dadweynaha reer Somaliland ay la daalaa dhacayeen sicirir barar xadhkaha goostay iyo sarrifka doolarka oo cirka isku shareeray, iyada oo tallaabooyin ay hore xukuumaddu isugu dayday in ay ku xakamaysaana noqdeen ma dhalays.

LEAVE A REPLY