Alle ha u naxariisto oo danigiisa ha dhaafo, wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada waxa uu ahaa masuul xil-gudasho jecel, dadkana u wanaagsan, isla markaana wakhti badan geliyey horumarinta waxbarashada ubadka maanta waxbarta iyo kuwii hore u soo maray. Waxa uu ahaa nin u taagnaa sare u qaadista aqoonta, isla markaana aad u nebcaa wax kasta oo akhlaaqda xumeyn kara ardayda.
Xusuustayda waxa ka mida dhacdo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar xilligii uu xilka hayay. Ardayda dugsigu waxa ay soo saari jireen joornaal bille ah oo lagu magacaabi jiray Codka Ardayda Faarax Oomaar, kaas oo ay ku daabici jireen arrimo kala duwan oo wacyigelin iyo aqoon korodhsi isugu jira. Maalin ka mid ah maalmahaas, waxa joornaalka lagu daabacay maqaal wacyigelin ah oo ka hadlaya cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, waxaana lagu xusay muhiimadda ay leedahay ka fogaanshaha khatarta cudurka iyo adeegsiga kondhomka.
Sida caadiga ahayd, hal nuqul oo ka mid ah joornaalka ayaan u geyn jiray wasiirka, si uu u akhriyo. Markii uu akhriyey maqaalkaas, waxa uu qalin cas ku xardhay goobihii uu u arkay in aanay ku habboonayn, waxaanu si degdeg ah iigu yeedhay. Waxa uu igu amray in aan u keeno ardaydii maqaalka qortay. Markii aan u keenay, si adag ayuu u canaantay, waxaanu ku adkeeyey in aynu nahay dad muslim ah, isla markaana aynu gudbin karno oo kaliya farriimo xambaarsan anshax-wanaag, sida in laga fogaado sinada, balse aan la faafin waxyaabo kale oo uu u arkayey in ay dhaqan-xumo horseedi karaan.
Aniga oo markaas xoghayihiisa ahaa, isla markaana ka caawin jiray ardayda daabacaadda joornaalka, waxa uu igu amray masuuliyad dheeraad ah—waxa uu igu adkeeyey in aanan mar dambe oggolaan in wax akhlaaq xumo laga daabaco joornaalka, isla markaana aan tafatir adag ku sameeyo wixii lagu qoro.
Alle ha u naxariistee, wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliland waxa uu ahaa qof ardayda barbaarin jiray, daryeelna u hayey, una hagar bixijiray sidii ay u noqon lahaayeen dad akhlaaq leh oo anshax-wanaagsan. Dedaalkiisii iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta jiilasha cusub lama ilaawi doono.
Waa dhamaadka maalmihii u danbeeyay Ramadaan aynu u ducayno in alle danbigiisa dhaafo.
W/Q Qoraa Ismaaciil Cali Axmed