Inta badan dadku ma yaqaanaan sida ay u saamayn karto haddii uu wax la cuno qof amateedku u furan yahay, balse cilmi-baadhis cusub ayaa badka soo dhigtay in dadka buurbuuran ee cuntada badan ay cunista cuntada u furaan qofka amateedku ka xidhan yahay.
Cilmi-badhayaal ka tirsan Jaamacadda Cornel University qaybteeda cuntada ee dalka Maraykanka oo kaashatay xarumo caafimaadka lagu baadho, ayaa qado ku casuumay 82 mac-had ardaydooda, gaar ahaan cuntooyin ka kooban baasto iyo saladh, kadibna waxay u kala qaybiyeen afar kooxood.
Koox ka mid ah waxa la raaciyey qof iska dhigaya inuu cunto caafimaad badan raadsanaayo, gaar ahaan aad u cunaya saladhka oo baastada diiday, halka qaar kalena lagu daray qof xidhan maryo lagu jilaayo inuu buurbuuran yahay, kaasoo dookh ahaan cunaaya baasto badan, halka kooxda saddexaad lagu daray qof dooraaya cunto bilaa dux ah oo aan xidhnayna suudhka lagu jilo buurnida, halka kooxda ugu dambaysa la raaciyey qof amateedku u furan yahay oo aan buurnayn.
Natiijada ka soo baxday daraasadu waxay iftiimisay in qofka amateedku u furan yahay uu saameeyo dadka aan cuntada cunin, isla markaana amateedka u furo qofka kale, taasina keento mararka qaar in dadku cunaan cuntooyin duxdu ku badan tahay oo xannuuno sababi kara, waayo waxay ku daydaan qofka amateedkiisu fiican yahay ee cunto kasta qaadan kara amma jecel cuntooyinka culus.
“Waxaad iska eegta liiska cuntooyinka lagu hordhigay, kana dooro cunto ah kuwa aad jeceshahay ee caafimaadkaaga u fiican, haddii aanad dookh lahayn bal eeg dadka kugu xeeran, haddii amateedku kaa xidhan yahay waxay kugu yeelanayan saamayn, balse waxa laga yaabaa inay kugu noqoto saamayn togan,” ayuu yidhi Brian Wansink oo ka mid ah culimada diyaariyey daraasaddan oo ku daabacday wargeys amateedka ka warrama ee la yidhaa Appetite.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa