Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku xidheen isla-markaana ay albaabada isugu dhufteen Jaamacadda Rift Valley Faraceeda Magaalada Berbera.
Guddida Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa xidhidhitaanka Jaamacadda ku sheegay in ayna Guddida Tacliinta ka haysan ogolaansho la’aan furashada Faraca cusub.
Dhinaca kale, Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa waxaa kale oo ay albaabada isugu dhufteen, isla-markaana ay xidheen Jaamacadda Gollis Faraceeda ay magaalada Boorama ku leedahay.
Hoos ka akhriso bayaan ka soo baxay Guddida