Xukuumadda Somaliland oo xalisey tabashadii Waxgaradka iyo Dhallinyarada gobolka Hawd

0
2260

Balligubadle (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xalisay tabasho ay qabeen qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Dhallinyarada ka soo jeeda magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaal, Agaasimeyaal iyo madax kale oo ka soo jeeda magaalada Balligubadle, ayaa qayb weyn ka qaatay sidii loo xalin lahaa tabashada Dhallinyarada iyo Waxgaradka magaalada Balligubadle.

Tabashada ay hore u qabeen dhallinyarada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Balligubadle, ayaa sababtay in magaalada ay ka samaysmato Koox Jabhad ah oo duurka gobolka Hawd gashay kadib markii qaar ka mid ah ururada siyaasadu ay ka soo horjeedsadeen go’aankii ururada cusub lagaga saaray doorashada madaxtooyada.

Hase yeeshee kooxda Jabhada ah, ayaa waan waan ay qayb ka ahaayeen dadka deegaanku aqbashay in ay hubka dhigto.

Jabhadan maanta la soo afjaray, lana dhameeyay tabashadii ay qabeen, ayaa shalay weerar ku qaaday saldhiga Booliiska ee magaalada Balligubadle.

Taliska ciidamada Booliiska Somaliland,  ayaa ku hanjabay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan qofkii lagu arko qori ama tuute ciidan kadib heshiiska maanta laga gaadhay tabashada jabhada.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here