Xukuumadda Somaliland oo xabsiga dhigtay Xildhibaan Maxamed Abiib

0
3425

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xabsiga u taxaabtay Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxaa la sheegay in lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka, ayaa xilliga la xidhayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada amaanka.

Xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah xisbiyadda mucaaradka, iyagoona sharci darro ku tilmaamay xadhiga xildhibaanka.

Bishii July ee sanadkan, ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Maxamed Abiib.

Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ah, in mas’uuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha Ciidamada Somaliland uu ka hadlay.

Bartamihii Bishii August, ayaa kulan ay arrintaa Golaha Wakiillada Somaliland ka yeelan lahaayeen waxaa uu u baaqday ka dib markii uu buuxsami waayay kooramka ama tirada loo baahnaa si xasaanadda looga qaado Xildhibaan Abiib.

Ma cadda in xadhigga Xildhibaan Maxamed Abiib uu daba socdo dacwaddii Xeer Ilaalinta Somaliland iyo in kale, ilaa iyo hadana si cad looma garanayo goobta uu ku xidhan yahay xildhibaanku.

Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ku aadan xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here