Xukuumadda Somaliland oo soo dhaweysay aqoonsiga ay dawladda Kenya siisay Kosovo

0
1280

Hargeysa,(HargeisaPress) – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweysay aqoonsiga ay dawladda Kenya siisay dalka Kosovo, waxaanay shaacisay in arrintaasi ay dhiirigelinayso in dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo u warramayey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa ugu baaqay dalka midowga Afrika inay ku dhiiraadaan aqoonsiga Somaliland oo mandaqada geeska Afrika iyo Afrika oo dhan doir weyn ka qaadan doonta isku xidhka ganacsi iyo ammaankaba.

“Waxaan soo dhaweynayaa aqoonsiga ay dawladda Kenya ictiraaftay dalka Kosovo. Tallaabadaasi waa mid sii dhiirigelinaysa dedaalka Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto inay dalalka Afrika ee ku jira midowga Afrika ay ku dhiirradaan inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland oo gobolka iyo qaarada Afrikaba kaalin muhiim ah ka qaadan karta dhinaca iskuxidhka ganacsiga iyo ammaankaba,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Waxa kaloo uu caddeeyay in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid waafaqsan xeerarka caalamuga ah, waxaanu yidhi
“Jamhuuriyadda Somaliland oo qaddiyadeeda madaxbannaanidu tahay mid waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah; waxa ay juhdi ugu jirtaa sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka oo dhan.”

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan wuxuu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

“Dawladda Kenya waxa ay Somaliland ka dhexeeya iskaashi derisnimo, iyadoo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka shaqeeyaan in ku dhow toban kun oo qof oo Kenyan ah.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirku wuxuu ku guubaabiyay dawladda Kenya iyo kuwa Afrika inay aqoonsadaan madaxbannaanida Somaliland oo ah dal dimuqraadiya. Waxaanu yidhi “Sidaas darteed, dawladda Kenya iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba waxaan ku boorinayaa inay qaadaan tallaabo geesinimo mudan oo ay ku aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadiya isla markaana ay ka jirto dawladnimo shaqeynaysa oo ku timid rabitaanka dadweynaha.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here