Xukuumadda Somaliland oo Ka Digtay Weerar Ay Qorshaynayso Puntland

0
4837

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somliland, ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo ay heshay ay ku ogaatay in Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaysanayaan in ay soo weeraraan xeryaha Ciidamada Qaranka Somaliland ee magaalada Laascaanood.

Xukuumadda, ayaa waxaa ay sheegay in ay Beesha Caalamka ku wargalinayso dagaal ay Puntland qorshaysay in ay ku soo qaado Somaliland, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in kadib markii ay Somaliland xogtan heshay ay qaaday dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si ay u difaacdo dhulkeeda iyo shacabkeeda, waxa kale oo lagu sheegay in Puntland ay cadaawad dooratay, lakiin Somaliland is difaaci doonto.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxay Beesha Caalamka ka codsatay in ay cambaareeyaan waxay ku tilmaantay gardaro, isla markaana ay taageerto xaqa ay Somaliland u leedahay in ay is difaacdo.

Ugu danbayntii, waxaa bayaanka lagu sheegay in Somaliland ay rabto in ay nabad kula noolaato dhamaan jaarkeeda, lakiin aanay ka laba labayn doonin in ay difaacdo dhulkeeda iyo madaxbannaanideeayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here