Xukuumadda Somaliland oo ka arrinsatey ilaalinta hantida dowladda iyo adkaynta nabadgelyada

0
1803

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha gobolada dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa, adkaynta iyo xoojinta nabadgelyada guud ee dalka, wakhtiga lagu jiro kala guurka.

Wasiirka arrimaha Gudaha, ayaa waxaa uu ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha gobolada adkaynta amniga si aanu debec ugu iman nabadgelyada.

Sidoo kale, Wasiirka, Guddoomiyeyaasha gobolada iyo Taliyeyaasha Ciidamada, ayaa iska xog-waraystay xaalad guud ee nabadgelyo ee dalka oo dhan.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, waxaa uu faray Guddoomiyeyaasha gobolada dalka iyo Laamaha amniga in la ilaaliyo hantida qaranka mudada lagu jiro kala guurka, sida gaadiidka dowladda.

Waxaanu wasiirku ku adkeeyay dhammaan Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Ciidamada, ilaalinta hantida qaranka inta ay xukuumadda cusubi la wareegayso xukunka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here