Xukuumadda Somaliland oo hal arrin ku cambaareysay Maamulka Muqdisho

0
1933

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa cambaaraysay maamulka Muqdisho ee aan ciddi dooran oo sheegatay dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee 13ka bishan ka qabsoomaya dalka Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayay ku sheegtay inay ka xun tahay in maamulka Muqdisho ee aanay ciddi doorani ay ku magac doonato doorashooyinka xorta ah ee Somaliland ku soo caano-maashay.

Waxay Wasaaradda Arrimaha dibaddu xustay in hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland uu 34 jirsatay, halka Soomaaliya aanay 64 sannadood aanay wax doorasho ahi taariikhdeeda ka qabsoomin, hase ahaatee ay  si been abuur ah u sheeganayso guullaha Somaliland ka gaadhay dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa ay ugu baaqday dawladda aan la dooran ee Muqdisho inay xushmayso madax-bannaanida Somaliland, kana fogaadaan in ay farogeliyaan doorashooyinka ka qabsoomaya Somaliland 13ka Bishan November 2024 ee madaxtooyada iyo xisbiyada.

Waxa kaloo xukuumaddu sheegtay inay Somaliland ay leedahay taariikh dheer oo ku wajahan doorashooyinka xorta ah; oo ay ka qabsoomeen 9 doorasho oo ay ka mid ahaayeen qaar madaxtooyo, goleyaal deegaan iyo doorashooyin baarlamaan iyo aftidii dastuurka, iyadoo si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah xukunka loola kala wareegayey ilaa 2003dii.

War-murtiyeedku wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya lixdan sanno aanay wax doorasho ahi ka qabsoomin Soomaaliya, loogana fadhiyin inay sheegtaan dimuqraadiyadda ka hano-qaaday Somaliland.

Wasaaradda khaarajigu waxa ay xustay in doorashooyinka Somaliland ay ka qaybgeli doonaan 90 xubnood oo goobjoogeyaal caalami ah oo u kuurgalaya hannaanks ay u qabsoomayaan doorashooyinka qof iyo codka ah oo noqon doona qaar hufan oo xor ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here