Xukuumadda Somaliland oo Daboolka ka Qaaday Inay Joojinayso Mashaariicdii Horumarinta Halista Abaarta Darteed

0
1250
Madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in xaaladda abaarta ka taaganybo ka tirsan dalkeeda ay  aad u daran tahay kuna dhow dahay inay  Somaliland  macluuli ka dilaacdo, sida uu daboolka ka qaaday  Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu u sheegay  laanta afsoomaaliga ee VOA-da,  inay joojinayaan mashaariicda horumarineed ee  ka socda Somaliland, sababo la xidhiidha  abaaraha dartood.

“Abaartu way soo noqnoqotay sannadahan danbe iyada oo aan abaartii sannadkii hore laga soo waaqsan ayaa abaartanina ay dhacday oo roobabkii Gu’ga ee la heli jirayna ay yaraadeen, iyada oo culaysku jiro haddana Somaliland afarta gobol ee bariga abaar ba’an ayaa haysata,

tanina waa abaartii ugu darneyd ee wadanka soo marta, dhab ahaan bini’aadamka hawl-kasta oo la qabto waala dhaliilaa, hase ahaatee dedaal aad u badan ayaanu samaynay intii karaankayaga aheyd, tabaabusha iyo u diyaar garowguna waxaa uu ku xidhan yahay qofku inkaaniyaadka iyo dhaqaalaha uu heysto,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Md. Saylici, wuxuu sheegay inkastoo Somaliland tahay dal yar, haddana ay dedaal ugu jirto samato-bixinta bulshadeeda ku tabaalowday abaaraha, waxaannu yidhi; “Waxaannu  nahay dawlad yar oo curdin ah oo aan caalamka awood dhaqaale oo badan ka helin, laakin intii itaalkayaga ah waanu dedaalay markii ugu horreysaybana lacag dhan laba milyan oo doollar ayaanu helay oo dadka aanu u siinay waxay cunaan iyo waxay cabaan inta wax kale ay na soo gaadhayaan.”

Sidoo kale waxaa uu Cabdiraxmaan Saylici faahfaahin ka bixiyay tirada dadka iyo duunyada abaartani ku naf waayay, wuxuu yidhi; “Iyada oo aanay jirin awood lagu diwaan geliyo tuullo kasta iyo degmo kastaa oo aan la odhan karin qiyaastaasi ayaa dhimatay haddana qiyaas ahaan xoolaha marka laysku celceliyo waxaa lagu qiyaasayaa in boqolkiiba lixdan ay xoolihii dadkii ka baxeen, dadkiinna marka ay abaartii aad u adkaatay ee ay ka soo reyn weyday ay laba qaybood u kala jabeen, qayb galbeed u hayaantay iyo qayb dhinaca Puntland u hayaantay. dadka dhintay waa ilaa tobaneeyo ruux oo meelo kala duwan ku geeriyooday, dadkana markii qayladu soo yeedhayba waanu ku bilownay quudinta iyo taakuleynta ilaa imikana waanu wadnaa, waxaannu qarinaynana ma jiro. waanu qayliney oo cidkasta waanu u qayla dirsaney sida dawlaha aanu saaxiibka nahay iyo dadkayagaba.”

“Qiimeyn  aanu saamaynay annaga iyo hay’adaha caalamiga ahi,  marka loo eego xaaladda gobollada bariga wadanku waxay  qarka u saaran yihiin  macaluul iyo in xaalad degdeg ah lagu dhawaaqo iyada oo gu’gii lagu jiro haddana xaaladu waa sidii uun, biyo la’aantii waa ay haysataa, cuno la’aani way heysataa, xoolihii waa ay ka sii dhimanayaan(le’anayaan). dadkii u soo hayaamay gobollada galbeedka Somaliland intii u hadhay marka roobkiina helay khatar weyn ayay ku sugan yihiin, taasina waa la og yahay oo wax la qariyay maaha hay’adaha caalamiga ah iyo annaguba waanu sheegnay inay dadku macaluul qarka u saaran yihiin inkastoo  hay’aduhu ay qayb laxaad leh kaga jiraan gurmadka iyo samato-bixinta dadkaasi loogu jiro,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida gurmadka abaaraha ee qaranka, waxaanu intaas ku ladhay; “Anigu ma qabo in dadku leeyihiin waxba namey soo gaadhin, dadaal xoogan baanu ku jiraa, waxaanu hayno iyo waxaa kala badan dadka abaartu haleeshay wax aanu meel kaloo gaar ah marineyna ma jiro kolba wixii aanu gaadhsiin karo uun baanu gaadhsiinaa, aniguna waxaan ahey guddoomiyihii aniga oo ah madaxweyne ku xigeenkii.”

“Abaartani  waa aafo caam ah taasina waxaa sabab u ah isbedelka cimillada ee adduunka ka jira isbedelkaa cimilladuna wuxuu sababay   in roobabkii Gu’ga ee di’i jiray aanay di’in taasina waxaa ay u baahan tahay dhaqaale aad u xoogle  sidii loo mareyn-lahaa abaarta soo noq-noqoneysaa imika annagu waxaanu joojiney maashaariicdii horumarineed ee wadanka gudihiisa aanu ka wadnay si loo helo awood dhaqaale oo wadanka lagu bad-baadiyo maadaama  abaar ba’an oo dhaqaale ahaan na saameyn kartaa ay dhacday, waxaana u sababa xoolihii oo istaagay iyo miisaaniyadayadii oo aanu is nidhi hoos u dhac aad u weyn ayaa ku iman doona.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here