Xukuumadda Somaliland oo daadafaysey hadallo ka soo yeedhay Soomaaliya

0
2295

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Rooda Jaamac Cilmi, ayaa daadifaysay hadallada iyo dacaayadaha aanay waxba ka jirin ee maamulka Xasan Sheekh ka baahiso Somaliland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibaddu waxa ay sidaas ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barta X (Twitter), waxayna ku sheegtay in sheegashada dowladda Muqdisho ee ah in shirkii bishii December ee sannadkii hore ka qabsoomay dalka Jabuuti ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday, taasi oo ah mid xaqiiqda ka fog oo been abuur ah.

Waxanay wasiir xaqiijisay in shirkaasi ahaa mid laysku mari waayay qodobbadii laga wada hadlay, isla markaana heshiiska kaliya ee lagu gaadhay ahaa in la soo saaro war-murtiyeed laga soo saaray shirarkii hore, taasoo uu dalbaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirkaa marti-gelinayay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi  waxa ay tilmaantay in ay wax lala yaabo tahay in 24 saacadood gudahood in Soomaaliya ku sifaysay in shirkaasi laga gaadhay wixii la rabay, iyada oo intaa ku dartay in ku celcelinta beentaasi aanay warkaa ka dhigayn mid xaqiiq ah.

Geesta kale, Wasiir Rooda Jaamac Cilmi waxa ay xasuusisay dowladda Muqdisho inay dhammaadeen wakhtiyadii ay xeebaha iyo dekedaha Somaliland uga faa’iidaynsan jireen arrimo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, isla-markaana la joogo wakhtigii ay la noolaan lahaayeen Soomaaliya xaqiiqada ah in Somaliland si buuxda uga taliso dhulkeeda iyo xeebeheeda isla markaana go’aankooda iyadu leedahay.

Ugu danbayntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland waxa ay baaq u dirtay dadka ka soo jeeda Soomaaliya ee ka soo horjeeda heshiiska is-fahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya oo ay sheegtay in aanay badankoodu waligood Somaliland cagaha soo dhigin.

Waxaanay u sheegtay in aanay wakhtigooda iyo hadalkooda iskaga luminin arrimaha gudaha Somaliland oo ay sheegtay in aanay jirin wax ay ka beddeli karaan, balse ay muujinayso uun cadaawadda qotoda dheer ee ay u hayaan dadka reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here