Xukuumadda Siilaanyo oo Xadhig la maagan Suldaanka guud ee Habar Awal.

0
1150

HARGEISA , (HargeisaPress) —Warar xogxogaal ah oo soo gaadhay HargeisaPress, ayaa sheegaya in  Xukuumadda oo la sheegay inay qorshaynayso inay xabsiga u taxaabto Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldan Cabdilaahi Suldan Cabdiraxmaan.

 

Salaadiin caan ku ah waji ku macaashka iyo iibka damirkooda oo loo abaabulayo in ay ka dhan  noqdaan Sudanka guud ee Subeer Awal, kuwaasi oo ay go’a dhex lulayaan Xasan cali Wayd iyo Mukhalaska weyn ee Cali Gobonimo.

 

Sida ay Shabakadda HargeisaPress  ay u Xaqiijiyeen Qaar ka tirsan odayaasha waji ku macaashka ahi, Arintan waxa dabada ka riixaya Madaxtooyada, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Ganacsato u Badheedhay Godobta.

 

Xukuumada iyo Madaxda kulmiye ayaa sida la sheegayo Saska Ka Qaday kulankii shalay ee salaadinta beel waynta subeer awal ku difaacayeen Suldanka guud ee Subeer Awal.

 

Dhanka kale,  wararku waxay sheegayaan in beel waynta subeer awal ee ka soo jeeda sandaladda facweyn leh inay ka horyimaadeen burburinta sandaladda, waxaana kulmo ay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beeshaasi wada yeesheen suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal ay isku afgarteen inay si wada jir ah u difaacdaan meelna uga soo wada jeestaan khalkhal gelinta saldanada facaweyn ee Subeer Awal, waxaana si buuxda suldaanka ugu sheegeen in ay taageero buuxda oo hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here